Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007


Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay u socdaan wax ka qabashada nabadgelyada Gobolka

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Kulan saacado dheer qaatay oo ay wada galeen Saraakiisha Ciidamda Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn iyo waliba  Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan ayaa si faah-faahsan oo qoto dheer waxaa looga hadlay u jeetada socdaalka Ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo dagay Deegaanka Jante-guudisho ee duleedka Magaalada.

 

Is aragga labada dhinac oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka ayaa marka hore laga codsaday saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka in ay ka warbixiyaan xaalada Nabad-galyo ee guud ahaan Gobalka Hiiraan, iyo waliba howlaha ilaa hada Boolisku uu ka qabtay arimaha la xiriira Nabad-galyada.

 

Taliyaha Qeybta ee Booliska Gobalka Hiiraan  Col. Ibraahin Aadan Cadow oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wax kasta oo uu Boolisku qaban lahaa ay hortaagan yihiin arimo dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana  uu intaa ku daray in iyadoo ay sidaa tahay hadana uu Boolisku Xil weyn iska saaray sugida nabad-galyada oo sida uu sheegay  Col. Cadow wax badan laga qabtay.

 

Warbixinta Taliyaha Qeyta ka dib ayaa waxaa hadalka Qaatay Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada soo gaaray Magaalada B/weyn oo sheegay in la soo siiyay Amar ka soo baxay wasaarada Gaashaan dhiga ee Dowlada Itoobiya oo ku Amartay sida uu hadalka u dhigay in ay fariisin ka sameystaan Deegaanka Jante-guudisho oo marka Istiraataji ahaan la eego ah wado muuhim u ah isku socodka Gobalada dhaxe iyo waliba Magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalku waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay wax weyn ka qaban doonaan arimaha nabad-galyada gobalka, gaar daba galka kooxo sida ay hadalka u dhigeen lagu tuhun san yahay in ay xiriir la leeyihiin Maxkamadihii bur buray,  isagoo intaa sii raaciyay in Booliska ay ka caawin doonaan howlaha iyaga ka badan ee xalka loo waayo.

 

Warkan ku saabsan in Ciidamadu wax ka qaban doonaan arinta nabad-galyada ayaa u muuqda mid raad buuxa ku leh Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Gudaha Magaalada B/weyn ee lagu kala qaaday Saldhiga Booliska iyo waliba Guriga uu dagan yahay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cumar Xasan (Gacamey)  walow hadana qaraxyadaasi aysan cidna wax ku noqon.

 

Gudaha magaalada ayaa lagu arkayaa Ciidamada oo ku gaaf-wareegaya Gawaarida loo yaqaan Uraalka ee Ciidamadu isticmaalaan kuwaasoo intood badan ilaalo ka ah Booyado kuwa biyaha dhaamiya ah oo gudaha magaalada Biyo u soo doona.

 

Dadka ku dhaqan Gobalka oo siweyn u xasuusta dagaalkii ba'naa ee dhawaan ka dhacay Caasimada Muqdisho ee dhax maray Ciidamada Itoobiya iyo waliba Kooxaha ku kacsan ayaa walaac badan ka muujinaya joogista Ciidamada, waxaana marka aad si hoose u dhuuxdo sheekooyinka dadka caadiga ah kuu soo baxeysa in dadku ka cabsi qabo isku dhac dhax-mara Ciidamada iyo waliba kooxihii dhawaan Qarax-yada geytay oo aan wali iyagu gacanta lagu soo dhigin. 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

 

Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha Ugaas Khaliif oo warbixin ka soo saaray dhibka ay Caruurta ka muteen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay

4/5/2007 7:53 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Warbixn dheer oo dhinacyo badan taabaneysa Islamarkaana uu saaray Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif, fadhigiisuna yahay magaalada B/weyn ayaa si Faah Faahsan waxaa ay uga hadashay Arimo la xiriira dhibaatada Caruurta Soomalidu ka Muteen Dagaaladii Cuslaa ee ka dhacay Caasimada Muqdisho iyo waliba Heerka Cudurka Shubanku uu gaarsiin yahay Gobalka Hiiraan.

Dowladda Federaalka oo dib u dhigtay Shirkii Dib u heshiisiinta ahaa ee ay ku baaqday

4/5/2007 7:47 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay shirkii ay ku baaqday in uu 15-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka sidee bey u arkeysaa Heshiiska Xabad-joojinta ah ee ay wada gaareen Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Itoobiya?

4/5/2007 3:10 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa ka hadlay heshiiska xabad-joojinta ah ee ay dhawaan wada gaareen Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Maamul Goboleedka Puntland oo beeniyay in ay Qowmiyad Takoor ku sameeyeen Dad laga soo tarxiilay Sacuudiga

4/5/2007 3:07 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa beeniyay in uu maamulkiisa Qowmiyad Takoor ku sameeyay dad laga soo tarxiilay Sacuudiga, wuxuuna caddeeyay in warkaasi uu yahay mid laga sameeyay maamulka Puntland.




End indiscriminate attacks in Mogadishu -HRW

4/5/2007 11:28 PM EST
newsinsideNew York, (HRW) – The Ethiopian military, Somali government, and insurgent groups operating in Mogadishu must cease all indiscriminate attacks, Human Rights Watch said today. Human Rights Watch called on the parties to the conflict to take all necessary steps to protect the civilian population from further fighting, including ensuring access to humanitarian assistance.

Eritrea says ex-Somali speaker and deputy PM in country for talks -Reuters

4/5/2007 11:08 PM EST
ASMARA, April 5 (Reuters) - Eritrea said on Thursday that Somalia's former parliament speaker and a deputy prime minister were in the Horn of Africa country to discuss ways to help Somalia out of its problems.

Report Says War on Terror Violating Human Rights in Kenya, Somalia, Ethiopia -VOA

4/5/2007 10:57 PM EST
Nairobi, Kenya (VOA) - An Ethiopian official denies an Associated Press report that says U.S. officials are interrogating terrorism suspects in secret prisons in Ethiopia. Human Rights Watch, meanwhile, says the report is likely true, given its own report documenting cooperation between the Kenyan, Ethiopian, Somali and U.S. governments on the war on terror. Cathy Majtenyi reports for VOA from Nairobi.

Somali PM Says Reconciliation Conference Still On -VOA

4/5/2007 10:52 PM EST
newsinsideSomalia's interim prime minister says a national reconciliation conference scheduled for April 16 in Mogadsihu will take place despite chronic violence in the capital.

Europe Looks Into Possible War Crimes in Somalia -NY Times

4/5/2007 10:21 PM EST
NAIROBI, Kenya, April 5 — European diplomats said Thursday that they were investigating whether Ethiopian and Somali government forces committed war crimes last week during heavy fighting in Somalia’s capital that killed more than 300 civilians.

China/US in Africa -CBC

4/5/2007 5:16 PM EST
There is some prospecting going on in Africa of late... economic and political exploration by two Super Powers.

Marching on -

4/5/2007 4:51 PM EST
The Republic of Djibouti is situated at the junction of the rifts of the Gulf of Aden, the Red Sea and East Africa. Most of the country is volcanic. Some sedimentary formations of the Mesozoic era

Best chances for Somali peace in years: US official -AFP

4/5/2007 2:37 PM EST
CAIRO (AFP) - Renewed international focus on Somalia and pervasive exhaustion with the incessant fighting in the war-torn country make for a rare opportunity for peace to succeed there, a US official said Thursday.

Ugandan troops join Somali refugee relief effort -Reuters

4/5/2007 2:33 PM EST
LAFOLE, Somalia (Reuters) - Ugandan peacekeepers ventured out of Mogadishu for the first time on Thursday, delivering clean water to thousands of refugees displaced by fighting between Somali and Ethiopian forces and rebels.

US Urges Support for AU Peace-Keeping in Somalia -ENA

4/5/2007 8:40 AM EST
Addis Ababa, Ethiopia (ENA) - The United States Tuesday urged greater international support for the African Union peace-keeping in Somalia. The State Department appeal came as senior U.S., European and African diplomats met in Cairo to discuss the current situation in the Somali capital, Mogadishu, VOA reported.

Locals mobilised to assist displaced civilians -IRIN

4/5/2007 8:33 AM EST
NAIROBI, 5 April 2007 (IRIN) - Civil society organisations in Somalia have launched a campaign to help thousands of desperate civilians displaced by the fighting in Mogadishu, the capital.

Brief fighting at Mogadishu flashpoint -AFP

4/5/2007 8:27 AM EST
MOGADISHU (AFP) - Heavy exchanges of weapon fire and shelling broke out briefly overnight in a Mogadishu district where Ethiopian troops are facing off with Islamist insurgents and clan fighters, residents said Thursday.

U.S. tries new strategy with Somalia -USA TODAY

4/5/2007 8:23 AM EST
CAMP LEMONIER, Djibouti — The United States is using surrogate nations and financial aid in an effort to prevent Somalia from slipping further into chaos as militias battle in Mogadishu, Somalia's capital.

Somali Workers Quit Chicken Processing Plant Over Prayer Time Dispute -HOL

4/5/2007 12:33 AM EST
For eight months, Issak Horor delayed his floating break time to say his dusk prayers. That was until Sunday, when his employer, Gold’n Plump, a St. Cloud-based chicken processing company, told him that he wasn’t eligible to do that anymore. “I told them that God made me eligible to pray five times a day,” said Horor in a telephone interview from his home in Rochester.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter