Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2007


Ciidamada maamulka Gobolka iyo Kuwa Itoobiya oo Howl-galo Amaanka lagu sugayo ka bilaabay Qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Sabti, 28, Apri. 2007 (HOL)  Waxaa siweyn u socnaya howl-galo baxad leh oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo Garbsanaya kuwa Dowlada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Eng. Xuseen Max'ud Maalin.
 
Howl-galka oo xoogiisa laga Bilaabay watada dheer ee isku xirta Gobalada dhaxe ee Soomaaliya ayaa ujetada laga leeyahay lagu macneeyay in looga hortago kooxaha Burcada ah ee dhibaatada ku haya dadka safarka ah iyo kuwa sida la sheegay qal-qal galin kara nabad-galyada  guud ee gobalka, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Xuseen Max'ud Maalin ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Federaalku howl-galka ay ka wadaan gudaha gobalka yahay mid la xiriira dhamaan howlaha lagu sugayo nabad-galyada guud ee dalka ee dowladu dhawaan ka bilaabeyso dalka oo idil.
 
Waxaana uu intaa raaciyay Gudoomiye Xuseen Maalin in cidii lagu arko iyada oo faraha kula jirta fal ka hor imaanaya nabab-galyada Guud laga qaadi doono talaabada ku haboon, gaar ahaan waxaa uu u digay kooxaha caadeystay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee bar yihii aynu soo  dhaafnay ku soo badanayay qeybo badan oo ka mid ah Gobalka.
 
Ciidamada Itoobiya ee iyaguna ku sugan deleedka Magaalada B/weyn ayaa dhinacooda siweyn isha ugu haya dhaq-dhaqaaqa watada gasha Gobalada dhaxe, waxaana xusid mudan in ciidamadu siweyn u baarayaan Gawaarida ku sii jeeda dhinaca Magalada Muqdisho  oo maalmihii aynu soo dhaafnay qaarkood laga helay hub culus oo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya.
 
Dadka ku dhaqan Gobalka ayaa ku macneynaya howl-galka ciidamada Federaalka ee ku sugan  gobalka iyo kuwa Itoobiya mid ku xiran dhaq-dhaqaaqa ka jira Magaalada Muqdisho oo hada ah mid gacanta ugu jirta Dowlada Federaalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

 

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uu waqtigeeda dhamaaday Dowladda Federaalka

4/28/2007 10:07 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan hadda Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:06 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Dheere oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:05 AM EST
Khamiis, April 26 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo aan Dagaal wax ku dooneyn

4/28/2007 10:04 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federeraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo sida ay haatan tahay Xaaladda Muqdisho.



Latest Somalia Fighting Raises Concerns Over Future Stability -VOA

4/28/2007 10:49 AM EST
Somalia's Prime Minister, Ali Mohamed Gedi, is claiming victory over Islamic insurgents in Mogadishu, and he says fighting in the Somali capital is almost over. But the latest round of clashes raises concerns about future stability in Somalia and has led to calls on the transitional government to reach out to dissident elements. VOA's Bill Rodgers reports.

Ethiopia Calls On UN to Take Action Against Eritrea -The Report

4/28/2007 10:42 AM EST
Addis Ababa (The Reporter) - Ethiopia blamed longtime enemy Eritrea Wednesday for an attack on a Chineseowned oil exploration field that killed 74 people, escalating the dangerous brinkmanship between the neighboring countries.

African Union Says Peacekeepers Urgently Needed in Somalia -VOA

4/28/2007 10:35 AM EST
The head of the African Union says more peacekeepers are urgently needed in Somalia's capital after more than a week of intense fighting.

Govt troops patrol Mogadishu, search for arms -Reuters

4/28/2007 10:30 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Allied Somali-Ethiopian troops patrolled Mogadishu on Saturday, hunting for weapons after claiming significant gains in battles with insurgents that have killed at least 1,300 people since February.

Somali president says Islamists defeated -AFP

4/28/2007 10:27 AM EST
Mogadishu, Somalia (AFP) - Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed said Islamist forces in Mogadishu had been defeated and appealed to residents fleeing the recent flare-up in violence to return home.

Mogadishu: Another Darfur in the Making? -Congressman Donald Payne

4/28/2007 10:21 AM EST
Innocent civilians in Mogadishu are being killed and maimed by Ethiopian security forces and the militia of the Transitional Federal Government (TFG). The atrocities being committed against innocent civilians in Mogadishu are war crimes and crimes against humanity. It is shameful and criminal to use tanks and heavy artillery against civilians.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter