Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2007


Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uu waqtigeeda dhamaaday Dowladda Federaalka

Sabti, April 28 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan hadda Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.
 
Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in ay ahayd in muddo labo sano bar gudahood ah lagu sameeyo Dastuurka Federaalka, isagoo sheegay in haatan waqtigaas laga gudbay, isla markaana ay Dowladda Federaalka ku guuleysan weyday in Dastuurkii dalka lagu dhaqi lahaa ay diyaariso. Shariif Xasan waxaa uu carrabka ku dhuftay in Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka uu dhigayo in haddii waqtigaas lagu soo diyaarin waayo Dastuurka ay dhaceyso Dowladda Federaalka.
 
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu ka hadlay guushii ay mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka sheegeen in ay ka gaareen dagaalladii Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay nasiib darro tahay in ay mas'uuliyiinta Dowladda guul ku tilmaamaan Dadkii Soomaaliyeed oo la dhameeyay, waa sida uu hadalka u yiriye.
 
Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi in ay dalka Soomaaliya soo geliyeen Ciidamada Itoobiya oo cadaw soo jireen ah u ah Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna farta ku fiiqay in dhibaatadii Muqdisho ka dhacday ay Maxkamad ku soo taagi doonaan mas'uuliyiintaas.
 
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaano dhowr ah oo Asmara kula sugan ayaa horay looga qaaday Xilalkii ay horay uga hayeen Baarlamaanka Soomaaliya, walow ay ku doodeen in xil ka qaadista lagu sameeyay ay ahayd mid aan sharci ahayn, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu Baarlamaanka Soomaaliyeed yahay mid la heysto oo aan xor ahayn.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

 

Ciidamada maamulka Gobolka iyo Kuwa Itoobiya oo Howl-galo Amaanka lagu sugayo ka bilaabay Qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

4/28/2007 10:21 AM EST
Sabti, 28, Apri. 2007 (HOL) Waxaa siweyn u socnaya howl-galo baxad leh oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo Garbsanaya kuwa Dowlada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Eng. Xuseen Max'ud Maalin.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:06 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Dheere oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:05 AM EST
Khamiis, April 26 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo aan Dagaal wax ku dooneyn

4/28/2007 10:04 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federeraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo sida ay haatan tahay Xaaladda Muqdisho.



Latest Somalia Fighting Raises Concerns Over Future Stability -VOA

4/28/2007 10:49 AM EST
Somalia's Prime Minister, Ali Mohamed Gedi, is claiming victory over Islamic insurgents in Mogadishu, and he says fighting in the Somali capital is almost over. But the latest round of clashes raises concerns about future stability in Somalia and has led to calls on the transitional government to reach out to dissident elements. VOA's Bill Rodgers reports.

Ethiopia Calls On UN to Take Action Against Eritrea -The Report

4/28/2007 10:42 AM EST
Addis Ababa (The Reporter) - Ethiopia blamed longtime enemy Eritrea Wednesday for an attack on a Chineseowned oil exploration field that killed 74 people, escalating the dangerous brinkmanship between the neighboring countries.

African Union Says Peacekeepers Urgently Needed in Somalia -VOA

4/28/2007 10:35 AM EST
The head of the African Union says more peacekeepers are urgently needed in Somalia's capital after more than a week of intense fighting.

Govt troops patrol Mogadishu, search for arms -Reuters

4/28/2007 10:30 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Allied Somali-Ethiopian troops patrolled Mogadishu on Saturday, hunting for weapons after claiming significant gains in battles with insurgents that have killed at least 1,300 people since February.

Somali president says Islamists defeated -AFP

4/28/2007 10:27 AM EST
Mogadishu, Somalia (AFP) - Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed said Islamist forces in Mogadishu had been defeated and appealed to residents fleeing the recent flare-up in violence to return home.

Mogadishu: Another Darfur in the Making? -Congressman Donald Payne

4/28/2007 10:21 AM EST
Innocent civilians in Mogadishu are being killed and maimed by Ethiopian security forces and the militia of the Transitional Federal Government (TFG). The atrocities being committed against innocent civilians in Mogadishu are war crimes and crimes against humanity. It is shameful and criminal to use tanks and heavy artillery against civilians.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter