Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2007


Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho

Sabti, April 28 2007(HOL): Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho.
 
Ciidamadan oo aad u hubeysnaa ayaa saakay lagu daadiyay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, waxayna dhigistooda Isgoysyada Muqdisho ay ku soo beegmeysaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.
 
Ciidamada maanta ka howlgelayay Isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxay muujinayaan in Dowladda Federaalka ay isku sii baahineyso Magaalada Muqdisho oo aysan ciidamadeeda horay uga howlgeli jirin, waxaana isgoysyada ay maanta ka howlgelayeen ka mid ah Tareebuunka, Kaasa-balbalaare, Bakaaraha, Howl-Wadaag, Aadan Cadde, Florenza iyo kuwo kale, wuxuuna howlgalkoodan ahaa mid ay ku baarayeen gaadiidka isaga kala goosha isgoysyadaas.
 
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, wax rasaas iyo madaafiic ahna kama dhacayaan, taasina waxay suurtagelisay in ay dadkii horay uga barakacay qaarkood dib ugu soo laabtaan, halka kuwo kalena ay weli qax ku maqan yihiin, iyagoo qiimeynaya xaaladda.
 
Inkastoo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ay wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, hadana waxaa meelaha qaarkood laga soo sheegayaa bililiqo loo geystay hanti ay dad gaar ah lahaayeen iyo kuwo ay shirkado lahaayeen, iyadoo ay sii dheer tahay in ay Ciidamada Dowladda qaarkood ay yihiin kuwo u baahan in anshaxa iyo dhaqanka suuban la baro, waayo waxaad arkeysaa askar qaba labiska ciidamada Dowladda Federaalka oo hadana u dhaqmaya sida maleeshiyooyinkii hoggaamiye kooxeedyada iyo iyagoo mararka qaarkood hubka la raacaya gaadiidka BL-ka ah.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa qaabilsan Ciidamada ayaa looga fadhiyaa in ay Ciidamadooda xakameeyaan, isla markaana ay go'aanno adag ka soo saaraan askarta ku xadgudba shacabka iyo hantidooda.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

 

Ciidamada maamulka Gobolka iyo Kuwa Itoobiya oo Howl-galo Amaanka lagu sugayo ka bilaabay Qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

4/28/2007 10:21 AM EST
Sabti, 28, Apri. 2007 (HOL) Waxaa siweyn u socnaya howl-galo baxad leh oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo Garbsanaya kuwa Dowlada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Eng. Xuseen Max'ud Maalin.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uu waqtigeeda dhamaaday Dowladda Federaalka

4/28/2007 10:07 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan hadda Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.

Maxamed Dheere oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:05 AM EST
Khamiis, April 26 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo aan Dagaal wax ku dooneyn

4/28/2007 10:04 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federeraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo sida ay haatan tahay Xaaladda Muqdisho.



Latest Somalia Fighting Raises Concerns Over Future Stability -VOA

4/28/2007 10:49 AM EST
Somalia's Prime Minister, Ali Mohamed Gedi, is claiming victory over Islamic insurgents in Mogadishu, and he says fighting in the Somali capital is almost over. But the latest round of clashes raises concerns about future stability in Somalia and has led to calls on the transitional government to reach out to dissident elements. VOA's Bill Rodgers reports.

Ethiopia Calls On UN to Take Action Against Eritrea -The Report

4/28/2007 10:42 AM EST
Addis Ababa (The Reporter) - Ethiopia blamed longtime enemy Eritrea Wednesday for an attack on a Chineseowned oil exploration field that killed 74 people, escalating the dangerous brinkmanship between the neighboring countries.

African Union Says Peacekeepers Urgently Needed in Somalia -VOA

4/28/2007 10:35 AM EST
The head of the African Union says more peacekeepers are urgently needed in Somalia's capital after more than a week of intense fighting.

Govt troops patrol Mogadishu, search for arms -Reuters

4/28/2007 10:30 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Allied Somali-Ethiopian troops patrolled Mogadishu on Saturday, hunting for weapons after claiming significant gains in battles with insurgents that have killed at least 1,300 people since February.

Somali president says Islamists defeated -AFP

4/28/2007 10:27 AM EST
Mogadishu, Somalia (AFP) - Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed said Islamist forces in Mogadishu had been defeated and appealed to residents fleeing the recent flare-up in violence to return home.

Mogadishu: Another Darfur in the Making? -Congressman Donald Payne

4/28/2007 10:21 AM EST
Innocent civilians in Mogadishu are being killed and maimed by Ethiopian security forces and the militia of the Transitional Federal Government (TFG). The atrocities being committed against innocent civilians in Mogadishu are war crimes and crimes against humanity. It is shameful and criminal to use tanks and heavy artillery against civilians.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter