Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2007


Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo aan Dagaal wax ku dooneyn

Sabti, April 28 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federeraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo sida ay haatan tahay Xaaladda Muqdisho.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen kuwo u dhaxeeyay kooxo ka haray Maxkamadihii Islaamka iyo kooxo kale oo dhinaca dhaqaalaha ka kaalmeynayay, kuwaasi oo uu sheegay in ay in muddo ah weerarro ku soo qaadayeen Xarunta Villa Somalia iyo fariisimo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya ee caawinaya.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in haatan ay magaalada Muqdisho xasiloon tahay, sidaas darteedna wuxuu dadkii ka barakacay ugu baaqay in ay dib ugu soo noqdaan. Madaxweyne Yuusuf oo tacsi u diray dadkii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay dagaalladii Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aysan ujeedkooda ahayn in ay ku dul dagaalamaan dadka rayidka ah balse lagu qasbay.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu shirkiisa jaraa'id si cad ugu sheegay in ay Dowladda Federaalka la hadleyso cid kasta oo aan dagaal wax ku dooneynin, isla markaana gar wadata, wuxuuna dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed uga digay in mar kale la geliyo dagaal lagu hoobto oo ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah wata.
 
Hay'adaha Samafalka ayuu ugu baaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho, gargaarkaas oo isugu jira mid caafimaad, nafaqo iyo hooy, wuxuuna madaxweynaha carrabka ku dhuftay in ay Hay'adaha Gargaarka isticmaali karaan garoomada Soomaaliya oo dhan, isagoo caddeeyay in ay ammaanka hay'adaha gargaarka sugi doonto Dowladda Federaalka.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka jaraa'id ee uu maanta qabtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gacan ku heynta magaalada Muqdisho ay la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu Muqdisho timid dabayaaqadii sanadkii hore, xiligaasi oo ay gacan ku heynta Muqdisho kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

 

Ciidamada maamulka Gobolka iyo Kuwa Itoobiya oo Howl-galo Amaanka lagu sugayo ka bilaabay Qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

4/28/2007 10:21 AM EST
Sabti, 28, Apri. 2007 (HOL) Waxaa siweyn u socnaya howl-galo baxad leh oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo Garbsanaya kuwa Dowlada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Eng. Xuseen Max'ud Maalin.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uu waqtigeeda dhamaaday Dowladda Federaalka

4/28/2007 10:07 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan hadda Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:06 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Dheere oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:05 AM EST
Khamiis, April 26 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.




Latest Somalia Fighting Raises Concerns Over Future Stability -VOA

4/28/2007 10:49 AM EST
Somalia's Prime Minister, Ali Mohamed Gedi, is claiming victory over Islamic insurgents in Mogadishu, and he says fighting in the Somali capital is almost over. But the latest round of clashes raises concerns about future stability in Somalia and has led to calls on the transitional government to reach out to dissident elements. VOA's Bill Rodgers reports.

Ethiopia Calls On UN to Take Action Against Eritrea -The Report

4/28/2007 10:42 AM EST
Addis Ababa (The Reporter) - Ethiopia blamed longtime enemy Eritrea Wednesday for an attack on a Chineseowned oil exploration field that killed 74 people, escalating the dangerous brinkmanship between the neighboring countries.

African Union Says Peacekeepers Urgently Needed in Somalia -VOA

4/28/2007 10:35 AM EST
The head of the African Union says more peacekeepers are urgently needed in Somalia's capital after more than a week of intense fighting.

Govt troops patrol Mogadishu, search for arms -Reuters

4/28/2007 10:30 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Allied Somali-Ethiopian troops patrolled Mogadishu on Saturday, hunting for weapons after claiming significant gains in battles with insurgents that have killed at least 1,300 people since February.

Somali president says Islamists defeated -AFP

4/28/2007 10:27 AM EST
Mogadishu, Somalia (AFP) - Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed said Islamist forces in Mogadishu had been defeated and appealed to residents fleeing the recent flare-up in violence to return home.

Mogadishu: Another Darfur in the Making? -Congressman Donald Payne

4/28/2007 10:21 AM EST
Innocent civilians in Mogadishu are being killed and maimed by Ethiopian security forces and the militia of the Transitional Federal Government (TFG). The atrocities being committed against innocent civilians in Mogadishu are war crimes and crimes against humanity. It is shameful and criminal to use tanks and heavy artillery against civilians.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter