Hiiraan online - News and information about Somalia
Home Email Print  


page counter
 

 

MAS’UULIYIINTA MAXKAMADAHA ISLAAMKA WAXAA LA GUDBOON IN AY MALEESHIYOOYINKOODA XAKAMEEYAAN  

Dilal ay ka geysteen Muqdisho iyo Baraawe

 

By Mohamed Amin Abubakar

 

War lagu kalsoon yahay ee aanu ka helney odeyaasha degmada Barawe mar aan khadka telefoonka kula xirriirney ayaa noo xaqiijiyey in bishan Octoobar 21keedii  magaalada Barawe si ula kac ah loogu toogtey wiil 23 jir ah oo la oran jirey Maxamed Cabdi (kunyo). Wiilkaas oo sababta loo toogtey ay ahayd isagoo cunto ku cunayey meel luuq ah maalin soon ah.

 

Wararku waxay sheegayaan in wiilkaas uu ka cararey marku arkey maleeshiyada maxaakiimta oo ku soo fool leh meesha u wax ku cunaayey, dabadeedna mid ka mid ah maleeshiyada maxaakiimta ayaa wiilka dhabarka ka toogtey, isagoo la sheegey in u meesha ku naf waayey.

 

Marxuumkaas oo isla  galabtii lagu aasey magaalada Barawe ayaa waxaa aad uga xumaadey dhamaan dadweynaha ku nool degmada Barawe. Masuu’liyiin ka hadashey arrinkaas ayaa sheegey in falka foosha xun leh uu yahay mid aanan waafaqsaneyn mabaad’ida  Diinta Islaamka. Qofka soon u furey dartii diinta ma qabto in loo dilo, waa arrin meel ka dhac ku ah xuquuqda Insaanka.

 

Maxaakiimta Islaamka oo maamulka Degmada Barawe la wareegey saddex usbuuc ka hor ayaan wax jawaab ah ka bixinin dilkan isaga ah.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka dil ula kac ah u geystaan dad aan waxba galabsan waxayna horay dil ugu geysteen wiil dhalinyaro ah oo badeeco hor iibsanayay agagaarka Shirkadaha Hormuud iyo Amal Express ee magaalada Muqdisho. Wiilkaas waxaa loo dilay sabab la xiriirta in uu gaari gacan uu ku shaqeysanayay uu gadaal u celin waayay.

 

Sidoo kalena waxay dil ugu geysteen wiil kale oo dhalinyaro ah oo ay ku murmeen iridka Dekedda weyn ee Muqdisho, kaasi oo sida ay hooyadiis sheegtay u foof tegay in uu Dekedda nolol ka soo raadsado. Dhamaan dhalinyaradaas ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha dileen ilaa iyo hataan la iskama warsan, waxayna eheladooda uga maqan yihiin si calool xumo ah.

 

Waxaa jira tacadiyo kale oo ay geystaan Maleeshiyooyinka Maxkmadaha Islaamka oo ay ka mid yihiin in ay dadka waddooyinka isaga garbaashaan iyagoo aanan wax sharci ah u heysan. Si kastaba arrintu ha ahaatee, mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka waxaa la gudboon in ay Maleeshiyooyinkooda xakameeyaan waa haddii ay dad u kala cadli soorayaan oo ay Diinta Islaamkana dadka ku dhaqayaan, sida ay sheegtaan.

 

Mohamed Amin Abubakar
Columbus, Ohio

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 



INTERNET CAFE CALLING CARDS SIM CARDS SCANNING COLOUR PRINTING PASSPORT PHOTOS PHOTOCOPYING DIGITAL PRINTING MONEY TRANSFER WESTERN UNION
MANCHESTER | MANCHESTER |  United Kingdom
Somali & Ethiopian Food
-Cunto macaan
-Nadaafad sare
-Shaqaale carbisan
-Qabo,Quraac iyo Casho
Toronto | Ontario |  Canada
Premium Listings powered by Somali411.com
11 comment(s)
More comments
 A.salam.cleykum marka hore ilaha mahada iska leh inoo ogoladey inan is maqalno aman wada hadalno amaba ina tuso dalkena iyo diintena marka an sida leyahay waxa iska jiro dad yar oo an joogin dalka ama anan garan dad kooda ama dadkisa amaba dalkisa dhibka lagu hayey muda badan oolaso dhafey ilahey aya mahada iska leh oo ino so direy amaba garan siiyey raga ama dumarka ka qeyb qatay udhimashada diintoda iyo dalkoda giliyey waqtiga badan oo naf iyo malba lehkuwa kaso horjeda maxkamda islamiga ah ee kajira dalkena hoyo (waxan ilahey uga baryaya inowka dhigo kuwa kaguleysta cadawka dinta dalka)hadii anu so labto ninka kaqoray qoralada xun xun una badalaya kacdon xun ha isku labto hana ka bixiyo raali gelin hadii owyahay (Ethiopian) bartay af somaligana ha iska cadeysto melez zanawiba waxa u wax ku bartay somaliya waxana u kaso qaday kacdonkis somali wana ku casiyey shalay lakin ilaha ka wey iyo (xasbuna laah wanicma wakiil)
  qabsashadii ugu casrisaneyd
marbaa soomaaliya rag dangooni ah kaleh xornimo u
doodijireen markaii soomaaliya xorowdayna dantooda
gaarka ahayd kufushaday. qeybtii maandeeqna lagumawada
nooleyne ragbaa gooni ugu noolaa. taa waxaa xigay
towradii barakeysney, oo reeraha soomaaliya ugu yaryar
ku amar kutaaleeyeen maandeeq caanaheedii koob
kushubteen, soomaali inteedii kalana  laga wada dhigay
,mid laxirtay, mid la eryay , iyo mid la adoonsaday,
xaqiisiina lagu horcunay isgoon raali ka ahayn. Maanta
waxa yimid qaar waxba ka duwaneyn kuwii wax boobi jiray
isla markaan diina wax ku qaadanaya sidii aan anagu diin lahayn waxna
ku qabsankarin. deegaankaagana diin ku dhaqaya kulana
leh kiisana dhaqanaya wuxuudoono ku dhaqaya.
xukunkii naga dhaxeeyayna ku hantiyay aniga muslin
adigana muslin raac, dhistay gole aaynan dooran
keensaday taliyeyaal meelwalba u taliya, doorasho iyo
wada hadalna diidan. raba waqtiga inay ku lumiyaa itoobiya
dowlada ku meelgaarka ah, dekedbaan furnay,iyo wax lamida.
dabadana ku wata ciyaal mooryaan u badan wax taba bara iyo
dhaqan diina aan lasoo siinin.

 Qaladkan iyo mid kaste oo lamidihi maahan mid la biciidsado; ciidanka maxaakimtu si buuxda uguma tababarna howshan... haddana hor umar lataaban karo ayay ku tilaabsadeen. Hor umarka ay sameeyeen uma uu baneynayo qof iyo laba in ay nafta seejiyaan; sidaa darteed maxaakimta masuuliyiinteedu (waan filayaa in ay u toog hayaa) waa in ay xil dheeraad ah iska saaraan.

Qoraalka maqaalkaan waxa oo kaliya oo ku booriyay maxaakinta "xakamayn" saxna uma arko in uu ku mutaysto "Tigre" ku tilmaamis.
 Maxaakiimta haday wax sameeyeen nin Columbus Ohio fadhiya nooma sheegeen, ee wadanka ayaa laga sheegii lahaa.
Waxaa kale oo uu qoraaga leeyahay "Waxaa jira tacadiyo kale oo ay geystaan", Haday Jiraan maxaad u sheegi la'dahay?

Been iyo borobaganda Cadow soomaaliyeed soo dhoobdhoobeen ayuu ku hadalayaa. Soomali nuskeed ayaa "Maxamed Cabdi" la yiraahdaa.
Marka in aan been Columbus laga soo diro anagana aan aamino waa naseeb-daro iyo Tigre U shaqeyn.

Wallee Hadii Tagrey soo galo Illaaha wayn Kama Dhige e, Waxay xaasuuq gaystaan waad yaab umbaad u dhimanleeheydeen. Bishii u danbeysay soomali galbeed waxay ku dileen 194 qof oo rayad ah!
Marka Amaa iska aamus Waa qoraaga Article-kan baan u jeedaa iyo wixi caraweelo, iyo in wadankeena laqabsada uu hadlaya.... Ama Nin ama Naag wadiinkiisii ama wadankeedii  khiyaamay ogaada in aad tihiin!
 Maxakiimta waxaan leyahay waxyaba badaan oo fican ayay
sameyeen laakin qhalaadhad badaana wey yelan karan.



Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2009 Hiiraan Online