4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Nin Dhallinyaro ah oo laba haween mar kaliya kuwada aroosay magaalada Hargeysa

Xigasho: Wargeyska Haatuf

HARGEYSA - Waxaa habeen hore magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Koodbuur, xaafadda Xero-Awr ka dhacay Aroos ka mid ah aroosyada mucjisada ah ee ku cusub dhaqanka Soomaalida, kaas oo uu laba dumar mar keliya uu la wada aqal-galay nin keliyi, xaflad aroosna loo wada qabtay.

Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ah wiil dhalinyaro ah waxaa habeen hore goob keliya ku wada aroosay Gaasira Muxumed Xuseen iyo Shukri Cismaan Axmed, iyadoo ay munaasibaddii arooskaas oo ka dhacday xaafadda Xero-Awr ka soo qayb-galay dadweyne aad u farabadan oo aad ula yaabanaa arooskan saddexan.


Waa Caruuskii iyo labadii Caruusadood

Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee taariikhda dadka Soomaalida ah lagu arko, ayaa dad badan ku abuurtay layaab, iyadoo qofkaastaba si arkay ugana faalooday.

“Waa calaf inaan labadayda xaas mar soo wada hooyo.” Sidaas waxa yidhi Arooska Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd sida uu u dhacay qorshihiisan guurka labada dumar ah.

Dhinaca kalena, labada caruusadood ee xalay Ismaaciil Cismaan la wada-aqalgalay ayaa iyaguna si kooban u sheegay in ay ku qanaxsan yihiin guurkoodan lamaanaha ah, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in goob keliya xaflad loogu wada-sameeyo, sey keliyana ay wadaagaan.

Dhacdadaan dhaqanka Soomaalida ku cusub ayaa ah tii labaad ee sannadka gudaheeda ka dhacday Somaliland, gaar ahaan gobolka Hargeysa, iyadoo badhtimihii sannadkan uu aroos kan oo kale ah uu nin keliya laba gabdhood goob keliya kuwada aroosay tuulada Garabis ee koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa.


Carooskii Hore Ee Tuulada Garabis

Dhaqanka cusub ee ku soo kordhay hab-dhaqankii Soomaalidu lahaan jirtay, ayaa la moodaa inuu hirgalay inkastoo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi aanay la dhacsanayn, isla markaana ay saluug badan ka muujiyaan, gaar ahaan dhinaca haweenka oo iyagu u arka inuu meel-ka-dhac ku yahay haweenka, isla markaana xuquuqdii.

Warbixintaan waxaan ka soo xiganay wargeyska Haatuf ee ka soo baxa magaalada Hargeysa