Hiiraan online - News and information about Somalia
Home Email Print  


page counter
 

 

Nin Dhallinyaro ah oo laba haween mar kaliya kuwada aroosay magaalada Hargeysa  

Xigasho: Wargeyska Haatuf

HARGEYSA - Waxaa habeen hore magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Koodbuur, xaafadda Xero-Awr ka dhacay Aroos ka mid ah aroosyada mucjisada ah ee ku cusub dhaqanka Soomaalida, kaas oo uu laba dumar mar keliya uu la wada aqal-galay nin keliyi, xaflad aroosna loo wada qabtay.

Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ah wiil dhalinyaro ah waxaa habeen hore goob keliya ku wada aroosay Gaasira Muxumed Xuseen iyo Shukri Cismaan Axmed, iyadoo ay munaasibaddii arooskaas oo ka dhacday xaafadda Xero-Awr ka soo qayb-galay dadweyne aad u farabadan oo aad ula yaabanaa arooskan saddexan.


Waa Caruuskii iyo labadii Caruusadood

Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee taariikhda dadka Soomaalida ah lagu arko, ayaa dad badan ku abuurtay layaab, iyadoo qofkaastaba si arkay ugana faalooday.

“Waa calaf inaan labadayda xaas mar soo wada hooyo.” Sidaas waxa yidhi Arooska Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd sida uu u dhacay qorshihiisan guurka labada dumar ah.

Dhinaca kalena, labada caruusadood ee xalay Ismaaciil Cismaan la wada-aqalgalay ayaa iyaguna si kooban u sheegay in ay ku qanaxsan yihiin guurkoodan lamaanaha ah, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in goob keliya xaflad loogu wada-sameeyo, sey keliyana ay wadaagaan.

Dhacdadaan dhaqanka Soomaalida ku cusub ayaa ah tii labaad ee sannadka gudaheeda ka dhacday Somaliland, gaar ahaan gobolka Hargeysa, iyadoo badhtimihii sannadkan uu aroos kan oo kale ah uu nin keliya laba gabdhood goob keliya kuwada aroosay tuulada Garabis ee koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa.


Carooskii Hore Ee Tuulada Garabis

Dhaqanka cusub ee ku soo kordhay hab-dhaqankii Soomaalidu lahaan jirtay, ayaa la moodaa inuu hirgalay inkastoo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi aanay la dhacsanayn, isla markaana ay saluug badan ka muujiyaan, gaar ahaan dhinaca haweenka oo iyagu u arka inuu meel-ka-dhac ku yahay haweenka, isla markaana xuquuqdii.

Warbixintaan waxaan ka soo xiganay wargeyska Haatuf ee ka soo baxa magaalada Hargeysa



INTERNET CAFE CALLING CARDS SIM CARDS SCANNING COLOUR PRINTING PASSPORT PHOTOS PHOTOCOPYING DIGITAL PRINTING MONEY TRANSFER WESTERN UNION
MANCHESTER | MANCHESTER |  United Kingdom
Somali & Ethiopian Food
-Cunto macaan
-Nadaafad sare
-Shaqaale carbisan
-Qabo,Quraac iyo Casho
Toronto | Ontario |  Canada
Premium Listings powered by Somali411.com
74 comment(s)
More comments
 may allah bless this marraige Amin,, to says Haram you have to be shiikh and have ayah or hathis, i think we should make Dua for this marraige// those who says religion allows to marry up 4 waves but not at same time that is good point, but remember if they agree to marry each other at same time, we can't says haram, example if you have a wife islam says you only be away from her 4 to 6 bilod, but if she agree to be away more then that nobody can says that's Haram, true that prophet mohamed scw says if you married a girl you have to be with her 7 nights, but if they give him permition to stay 3 days or 4 can we really says Haram!!!!!!!!! finally walalayal dadkaan maysinaysan e aan ka gaabsano oo u ducayno, qof kii masaladaan shaki ka galana culumada ha waydiiyan bye
 salam

It´s redicilous. And stupid. Men who fear Allah dont
do this kind of things. Women has rights, and I feel so
sad that this sisters dont know what rights Islam gives
them. The married couple must be together the first night
and of curse he can not be with them the same night.
This is something that the Prophet and he´s followers
has never done this! It is not the practice of the
prophet! It has never happened in a islamic country
and this only proves that the most ignorant muslims are
in Somalia. If a man does not have enough money to marry
this women at separat weddings, he cannot have enough
money to support them after the wedding. It´s stupid
and I am ashamed of being a somali.

ma´salama
 This is really good, only few men can do this and I like it
 The camaruus,nothing wronge,but it's the girls problem because if the women has no self steem, men pray for this type of girls. So the question is why this womens agree to be married same night. The answer is naive, gready and cheap. The man is showing to the worls how much cheap somaliland women or somalia where ever he is from. Easy come easy go.
 salan kadib waxaan odhan lahaa in marka hore aan laga dhigin waxan wax cay aha ama diinta muslimka kabaxsan maxaa yeelay waxaad ka dhigteen wax ceeb  maxa yelay ninkani hadii isag iyo habluhu saas isku afgaten dadka qaar ayaa soo qorayaa qaldaamiintii tasina waxaan filayaa wax wanasgan maaha wana cadi hadi ay isaga la noqotay inuu wada arooso habeen qudha xitaa waxaad ka giten dadka dad diintu ku yartahay sida ay u hadlee dadka qaar waan wax wanagsan inaad fikirkaaga ka hadasho laakiin cawydu way reebantahay wa bilahi tawfiiq



Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2009 Hiiraan Online