Wararka Maanta - Qaybtii 2aad - December 25, 2005










· Madaxweynihii hore ee TNG-da oo muddo kadib maanta ka soo muuqday Fagaaraha Siyaasadda
·
· Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo maanta lagu dhaariyay Dugsiga Sare ee Booliska
  Muqdisho iyo Qaraxyada Miinooyinka iyo Madaafiicda












Madaxweynihii hore ee TNG-da oo muddo kadib maanta ka soo muuqday Fagaaraha Siyaasadda

Madaxweynihii hore ee Dowladdii TNG-da Cabdiqaasim Salaad Xasan

Axad, December 25, 2005(HOL): Madaxweynihii hore ee Dowladdii TNG-da ee Carta lagu soo dhisay C/qaasim Salaad Xasan ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo muuqday meel fagaaro ah oo looga hadlayay maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Madaxweyne C/qaasim waxaa uu maanta ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay Xubnaha Golaha Deegaanka Maamul u sameynta Gobolka Banaadir, taasi oo ka dhacday Xaruntii Dugsiga sare ee Booliska, iyadoo halkaasina ay sidoo kale joogeen siyaasiyiin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya.

C/qaasim oo halkaasi hadal ka jeediyay waxaa uu ugu horeyn hambalyo u diray xubnihii loo dhaariyay in ay noqdaan Golaha Deegaanka Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo ka saara caasimadda Soomaaliya baroorta ay mudada dheer ku soo jirtay, sidoo kalena wuxuu ugu ku bogaadiyay Xubnaha labada gole ee Muqdisho in ay soo xuleen Golaha deegaanka.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan waxaa ugu dambeysay codkiisa oo laga maqlo Idaacadaha Muqdisho shir jaraa'id oo uu hoygiisa ku qabtay maalintii ugu horeysay ee ay Jowhar ka degayeen Ra'iisal Wasaare iyo xubno ka tirsan labada gole, inkastoo uu kulan kale oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda CRD oo lagu qabtay Hotelka Shaamo uu mar ka hadlay, xiligaasi oo uu jeediyay hadal uu ku durayay hoggaamiye kooxeedyada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku jira, kuwaasi oo dowladdiisii diiday, isagana diiday, "Waxaa yaab leh in aad i diideen shalay anigoo madaxweyne ah oo idin leh ii imaada, maantana aad baryeysaan madaxweyne diidan in uu idiin yimaado" ayuuna yiri C/qaasim Salaad Xasan oo wejigiisa laga dheehan karay in uu ka nastay iska daba wareegga siyaasadda aan salka dhigan ee Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Wafdi ka socda Dowladda Shiinaha oo maanta Jowhar booqasho ku tegay

Axad, December 25, 2005(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi gaareen Wafdi ka socda dowlada Shiinaha, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya dalka Kenya Ambassador Chin Chowli.

Wafdigan ayay wararku sheegayaan in ay Jowhar ku tageen casuumaad ay u fidisay dowladda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle sheegay in inta ay wafdigan Jowhar joogaan ay safaarad ka furan doonaan Magaalada Jowhar oo horay Safaarado iyo Xafiisyo ay uga frteen Ururro iyo Dalal daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Wafdigan oo kulamo la leh Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa ah wafdigii ugu horeeyay ee ka socda Dowladaha Shiinaha ee misana booqda magaalada Jowhar oo xarun KMG ah u ah garab ka mid ah labada garab ee ay u kala jabtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha ayaa safka hore kaga jirta dowladihii xiriirka soke la lahaa dowladdii hore ee 21-ka sano ka talineysay dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in ay Dowladda Shiinaha Mashaariic faro badan ka hirgelisay dalka Soomaaliya.

(Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo maanta lagu dhaariyay Dugsiga Sare ee Booliska

Axad, December 25, 2005(HOL): Xaflad si hee sare ah loo soo agaasimay oo loogu talagalay in lagu dhaariyo Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo 64 qofood ka kooban ayaa maanta lagu qabtay xarunta Dugsiga sare ee Booliska ee magaalada Muqdisho.

Xafladdii lagu dhaariyay xubnahan oo soo dooran doona Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo aan sharci u arkin maamulka Gobolka Banaadir ee uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed.

Hoolkii Xafladda dhaarinta ka dhaceysay waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan xubnaha labada gole ee Muqdisho iyo weliba siyaasiyiin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, sida Madaxweynaha Dowladdii Carta lagu soo dhisay oo kale C/qaasim Salaad Xasan.

Wasiirka Ganacsiga ee dowladda Federaalka Muuse Suudi Yalaxow

Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow oo madax u ahaa Guddi loo saaray in ay soo xulaan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xubnahan marka la dhaariyo ay iska dhex dooran doonaan shir guddoomiye KMG ah oo loo garan doono qofka ugu da' weynaada, kaasi oo xilka heyn doona tan iyo inta laga soo dooranayo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyadoo kadibna ay xubnahan maanta la dhaariyay soo dooran doonaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo hal qof isku ah, ku xigeenadiisa iyo shan xoghaye oo la shaqeyn doona.

Golahan Deegaanka ayuu sheegay Muuse Suudi in ay howshoodu tahay sidii ay maamul dhameystiran ugu dhisi lahaayeen Gobolka Banaadir, wuxuuna carrabka ku dhuftay in horaanta sanadka soo socda ee 2006 is-bedel lagu arki doono gobolka Banaadir.

Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Nabadgelyada Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo ka hadlay sida uu u arkayo maamulka ka soo horjeeda ee loo sameynayo Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in uusan sharci noqon doonin maamulkaas bacdamaa sida uu yiri ay soo dhisayaan xubno sharci dejin ah oo aan maamul sameyn shaqo ku lahayn, isagoo sidoo kalena xubnaha Golaha Deegaanka maamulka u sameynta Gobolka ku tilmaamay Gaaneriyaashii Hoggaamiye kooxeedyada Dowladda ku jira.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, maamulka loo sameynayo gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo biirayaa maamulkii uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Geedi iyo midkii ka sii horeeyay ee ka tirsanaa Dowladdii Carta lagu soo dhisay, iyadoo su'aalna ay ka taagan tahay sida ay seddex maamul oo aan raali iska ahayn ay uga wada shaqeyn karaan Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Muqdisho iyo Qaraxyada Miinooyinka iyo Madaafiicda

Axad, December 25, 2005(HOL): Muqdisho sidii ay u ahayd meel dhawaqa rasaasta uu ku badan yahay ayaa maalmahaan waxaa ku soo kordhay maqalka dhawaqa madaafiicda waa weyn iyo weliba qaraxyada miinooyinka, iyadoo maanta oo ugu dambeysay uu madfac ku habsaday guri ku yaala Xerada Agoonta ee u dhaweyd Warshaddii Caanaha.

Madfacan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa wuxuu sababay dhimashada ilaa shan ruux oo ciyaal School ay ku jireen, kuwaasi oo uu madfaca ku dhacay iyagoo guryahooda ku sii jeeday, iyadoo ay sidoo kalena uu madfaca ku geeriyooday canug yar oo hooyadiis ay xambaarsaneyd, kaasi oo u dhintay firir ka soo gaaray qaraxii madfaca.

Rag aqoon u leh waxyaabaha qarxa ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay madfac meel fog laga soo tuuray oo weliba ahaa nooca loo yaqaano hoobiye 120, inkastoo ay ka gaabsadeen in ay sheegaan halka laga soo tuuray.

Dabayaaqadii todobaadkii hore ayay ahayd markii uu qarax weyn oo ay seddex ruux ku geeriyoodeen uu ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasina lagu arkay jir bani'aadam oo ku kala firiray geedo ku yaalay agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay, ka sii horna waa tii labo qarax oo lala damacsanaa in lagu dilo Ra'iisal Wasaare Geedi ay Muqdisho ka dhaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online