Wararka Maanta - Talaado - December 20, 2005










· Sanadguuradii 62aad ee ka soo wareegatay Aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu kala xusay
· Maxamed Dheere oo ka codsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi in ay jawaab ka bixiyaan hadal uu Cabdalla Deerow ku duray Heshiiskii ay wada gaareen Yuusuf Indha Cadde
·
· Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso












Sanadguuradii 62aad ee ka soo wareegatay Aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu kala xusay

Talaado, December 20, 2005(HOL): Sanadguuradii 62aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu kala xusay magaalada Muqdisho, iyadoo xaflado maalintan lagu maamuusayayna ay ka kala dhaceen Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Sare ee Booliska.

Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan howlgelin muddo 14 sano ah ayaa waxaa isu tegay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir garabka Jowhar Col. Cali Saciid Xasan Cawaale.

Taliyaha oo Xafladdaasi ka hadlayay, isla markaana uu la joogay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Ammaanka Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa ka hadlay taariikhdii uu soo maray Booliska Soomaaliyeed ilaa iyo markii la aas aasay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la tayeyn doono ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay miisaaniyadda ugu badan ku bixin doonto dhisimaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xaflad aad u ballaaran oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato), Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Jaamac Sifir, Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir garabka Muqdisho Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno ka socday labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa maanta lagu qabay Dugsiga sare ee Booliska, iyadoo ay sidoo kalena halkaasi gaado-ka-ciyaar ku soo bandhigeen ciidamo isugu jiray Boolis iyo Baambeey oo tiradoodu gaareysay 1,500 oo Askari kuwaasi oo ay ka muuqatay shucuur aad u sareysay.

Xafladdii ka dhacday Dugsiga sare ee Booliska waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Maxamed Qanyare, Cusmaan Caato iyo Muuse Suudi oo dhamaantood si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in Ciidamo Boolis ah iyo kuwo kaleba aysan u noqon doonin Ciidamo lala wareegayo gobollada dalka qaarkood iyo baadiyaha, wuxuuna intaas kadib dhaliil u jeediyay Dowladaha Talyaaniga, Itoobiya iyo Yemen oo uu sheegay in ay u soo labisteen sidii ay wax ugu dhimi lahaayeen Qaranka Soomaaliyeed, "Seddexdaas Dowladood ayaa u soo labistay in ay sun iyo hub ku soo shubaan Soomaaliya, waana in laga ceymiyaa Qaranka Soomaaliyeed"ayuuna yiri Qanyare oo sheegay in ay ka hortegi doonaan dowladahaas dhaqdhaqaaqyadooda shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay kuwo bir ah.

Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa isaguna dhaliil u jeediyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi oo deeganka Carmo ee gobolka Waqooyi bari u aaday in ay ka soo furaan xarun lagu tababaro Ciidamo Boolis ah, "Xarunta Tababarka Ciidanka Booliska waa Xamar, halkaasina waxaa la doonayaan in hub lagu siiyo ciidamo gaar ah oo uu C/llaahi Yuusuf leeyahay"ayuu yiri Cusmaan Caato oo madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ku tilmaamay labo qofood oo been isku biirsaday kadib markii ay yiraahdeen Dugsiga Tababarka Booliska waxaan ka furnay Deegaanka Carmo.

Muuse Suudi oo isna munaasabaddaas ka hadlay wuxuu sheegay in sanadka cusub ee soo socda is-bedel lagu arki doono gobolka Banaadir, isla markaana ay meel gebo gebo ah marayaan howlo maamul loogu sameynayo gobolka Banaadir, xiligaasi oo wixii ka dambeeyana ay ka howlgeli doonaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa muuqato in ay Cidamada Boliska Gobolka Banaadir ay u kala qeybsan yihiin sida ay u kala qeybsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo xubnaheeda ugu muhiimsan ay kala degeen labo magaalo oo 90km u isu jirta kadib markii ay ka soo guurtay dalkii lagu dhisay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maxamed Dheere oo ka codsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi in ay jawaab ka bixiyaan hadal uu Cabdalla Deerow ku duray Heshiiskii ay wada gaareen Yuusuf Indha Cadde

Talaado, December 20, 2005(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday in uu ka doonayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Geedi in ay jawaab ka bixiyaan hadal uu Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xildhibaan Cabdalla Deerow Isaaq ku duray Heshiiskii ay dhawaan wada gaareen isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde).

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in haddii aysan u jawaabeynin wasiirkaas ka tirsan Xukuumadda Federaalka ay madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhuba caddeeyaan sida ay u doonayaan in u dib u heshiisiin loo gaaro, "Haddii aan laga heshiineynin wixii dhacay iyo dhibkii la isu geystay, taasi micnaheeda ma wuxuu noqonayaa in aan la heshiin weligeed oo la kala aar-goosto"ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka gaabsaday in uu u jawaabo Cabdalla Deerow.

Maxamed Dheere waxaa kale oo uu sheegay in hadalkaasi uu wax u dhimi karo heshiisyo ay gaari lahaayeen Guddoomiye goboleedyo badan oo jidka ku soo jiray, wuxuuna ku cel celiyay in ay tahay in ay mas'uuliyiinta sare ee Dowladda ay jawaab cad ka bixiyaan.

Maxamed Dheere waxaa uu su'aal ka keenay waxa ay ku kala duwan yihiin Yuusuf Indha Cadde iyo Barre Hiiraale oo labaduba ka soo wada jeeda Gobolka Galgaduud, "Madaxweynaha marka uu golayaasha Dowladda qoraallo u dirayo wuxuu ugu yeeraa Barre Hiiraale Guddoomiyaha Heshiisiinta labada gole ee Dowladda, labadoodana waxaan ognahay in ay isir ahaan ka soo jeedaan Galgaduud, marka Madaxweynaha isaga ayaa laga rabaa in uu sheego wixii uu ugu yeeri lahaa Yuusuf Indha Cadde"ayuu yiri Maxamed Dheere.

Cabdalla Deerow ayaa shalay warsaxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Jowhar waxaa uu ku sheegay in heshiiskii ay wada galeen Maxamed Dheere iyo Yuusuf Indha Cadde uu ahaa mid sharci darro ah, isla markaana ay dagaal la gelayaan Maxamed Dheere haddii uusan ka laaban heshiiskaas, isla markaana ay wax ka qaban waayaan dadka uu ka soo jeedo.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow waxaa uu ku sheegay sababta uu warkaas u soo saaray in Yuusuf Indha Cadde uu xoog ku heysto Gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Dheere-na uu la heshiiyay ninkaas.

Hadalkaasi ka soo yeeray Cabdalla Deerow oo xiisad xooggan abuuray ayaa waxaa ka jawaabay labada maamul ee Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose iyadoo Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Shabeelaha Hoose Cali Bariire uu sheegay in hadalkaas uu ahaa mid aan waxba u dhimi karin heshiiska labada dhinac, isla markaana uusanba aqoonsaneyn Wasiirnimada Cabdalla Deerow, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Mowliid Macaani Maxamuud ayaa isaguna dhaliilay hadalka ka soo yeeray Cabdalla Deerow, wuxuuna Mowliid sheegay in ay nasiib darro tahay in Wasiirro iyo Xildhibaano ay ka soo horjeestaan heshiiska ay gaareen guddoomiyayaasha Shabeelooyinka.

Mowliid waxaa uu intaas ku daray in aysan u habooneyn Cabdalla Deerow in uu ka hadlo arrimaha Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna ku tilmaamay Cabdalla Deerow nin aan tegi karin gurigiisa iyo deegaanada uu ka soo jeedo oo markaasina sida uu hadalka u dhigay taleefoon kaliya kula xiriira.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa jawaab looga fadhiyaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta u amba baxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maxkamadda Islaamka Al-furqaan oo xukun dil ah ku riday wiil dhalinyaro ah oo dil geystay

Talaado, December 20, 2005(HOL): Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan Shiikh Axmed Macallin Yuusuf ayaa xaqiijiyay in ay xukun dil ah ku rideen Axmed Maxamed Xasan Malaaq oo 16 jir da'diisa ku sheegay kaasi oo horay u dilay Ibraahim Xuseen Maxamed Naasir oo 14 sano jir ahaa.

Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in ay xukunkaas rideen kadib markii ay sidaas dalbadeen dadkii wiilka laga dilay, wuxuuse caddeeyay in ay ilaa 2 asbuuc heyn doonaan gacan ku dhiiglaha xiligaasoo ay soo dhameysan doonaan baaritaan dheeri ah oo arrintan la xiriirta bacdamaa ay fulin doonaan xukun qisaas ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda waxaa uu sheegay in wada hadallo kadib ay labada qoys ku heshiin karaan in ay diyo kala qaataan, wuxuuse sheegay in haatan uu heerku joogo in Aabaha dhalay wiilka la dilay uu doonayo in wiilkiisa loo qisaaso wiilkii dilay.

Maxkamaddan oo ka mid ah Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa waxay dadka deegaanada u dhow dhow u qabataa howlo muhiim ah oo isugu jira sugidda nabadgelyada, la dagaalanka anshax xumida iyo kuwo kale, iyadoo dhawaana howlgal nabad sugid ah ka fulisay Isgoyska KM4 oo ahaa meel ay isku baheysteen dhalinyaro burcad ah oo isticmaala maandooriyayaasha Qamriga nooca calaqa loo yaqaano iyo weliba Xashiishka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso

Talaado, December 20, 2005(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa maanta 12-kii duhurnimo waxay gaareen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha oo ay magaalada Jowhar ka qaaday Diyaarad gaar ah ayaa ujeedada ay u tageen gobolka Bari waxaa lagu sheegay sidii ay Deegaanka Carmo uga soo furi lahaayeen Dugsi lagu tababarayo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo isla maantaba uu xariga ka jaray Ra'iisal Wasaare Geedi.

Intii ay hawada ku jirtay Diyaaraddii siday Wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa Wariyayaal uu ka mid ahaa Axmed Idaawaqaca oo BBC-da u shaqeeya, isla markaana wafdiga la socda  waxaa lagu wargeliyay in marka ay diyaaradda caga dhigato garoonka Baasaaso aanu Madaxweynaha ka mid ahaan doonin wufuud u amba bixi doonta deegaanka Carmo oo ku dhawaad 100km u jirta magaalada Boosaaso, iyadoo aan markaasina la caddeynin sababta uu madaxweynaha uga baaqanayo furitaanka Dugsiga halkaasi laga hirgelinayo, walow la xaqiijiyay in Ra'iisal Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada oo la socda ay halkaasi tegi doonaan.

Wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ay hoggaaminayeen ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyne aad u fara badan oo ugu mudnaayeen Ardayda Dugsiyada oo qabay labisyo kala ceyn ceyn ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaraha socdaal ku tagaan deegaano ka tirsan Puntland, waxaana jiro socdaal midkan ka horeeyay oo ay labada mas'uul ku kala bixiyeen magaalooyinka waa weyn ee uu ka taliyo Maamul goboleedka Puntlnad.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online