Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo




Wararka Maanta - Axad - December 11, 2005










· Daanyeerro Weerar ku qabsaday Tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose
· Xubnaha Baarlamaanka Muqdisho oo ka dooday in la diido ama la qaato lacag ka timid Jeebka Ra'iisal Wasaare Geedi
·
· Mas'uuliyiinta Maamulka Puntland oo Caqabad ku noqday in Deegaanadooda lagu qabto Shirweynaha Madasha Bulshada Soomaaliyeed












Daanyeerro Weerar ku qabsaday Tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Axad, December 11, 2005(HOL): Kooxo Daanyeer ah oo raxan raxan u socday, laguna qiyaasay tiradooda in ay kor u dhaafeysay ilaa 200 oo Daanyeer ayaa la soo weriyay inay weerar ku qabsadeen seddex Tuulo oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan inta u dhaxeysa Baraawe iyo Buulo Mareer, iyadoo la sheegay in ay cuneen ilaa 22 Neef oo Ari, isla markaana ay bur buriyeen 65 guri oo Aqal Soomaali ah kuwaasi oo ku yiilay Tuulooyinka Bulaaleey iyo Toorey.

Dadka ay Daanyeerradaasi bara kiciyeen ayaa u sheegay Radio Shabelle in haraad aawgiis ay u maleynayaan in uu ka dhashay weerarkaas, iyadoo la sheegayo in ay tahay markii ugu horeysay oo ay Daanyeerro qaadaan weerar geystay khasaare intaas la eg.

Dadka ku dhaqnaa deegaanadaas oo wata Xoolahooda ayaa isaga soo qaxay halka weerarka Daanyeertu ku qabsadeen, waxayna ka dhursugayaan tan iyo inta ay Kooxda Daanyeerrada ah uga baxayaan deegaankoodii.

Waa markii ugu horeysay oo ay dadka ku nool Gobolka Shabeelaha Hoose la kulmaan weerar ay ku soo qaadaan Xayawaanaadka ay Daanyeerradu ka mid yihiin, waxaana dhinaca kale jiro wel wel ay muujinayaan dadka deegaanadaas ku dhaqnaa kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay dhibaato kale ka soo gaarto Daanyeerrada weerarka ku soo qaaday oo bartay in ay hilib ceyriin cunaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Xubnaha Baarlamaanka Muqdisho oo ka dooday in la diido ama la qaato lacag ka timid Jeebka Ra'iisal Wasaare Geedi

Axad, December 11, 2005(HOL): Kulan ay shalay Hotelka Saxafi ku yeesheen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa looga dooday lacago la sheegay in uu Ra'iisal Wasaare Geedi ugu deeqayo Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka meel kasta oo ay joogaan, taasi oo dhan hal Milyan Xildhibaankiiba, iyadoo lacagtaasina ay qeyb ka ahayd Xaq uu ka soo helay hay'ad uu Prof. Geedi u shaqeynayay intii uusan Ra'iisal Wasaaraha noqon taasi oo qaabilsan dhinaca Xoolaha.

Xildhibaanada Muqdisho ayaa isku raacay in aan lacagtaas la qaadan, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay mid Shakhsi jeebkiisa ka timid, isla markaana aan kaafin karin baahida Xildhibaanada, walow la sheegayo in ay jiraan qaar codsaday in loo soo xawilo.

Dhanka kalena Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah Afhayeenada Xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyay in laga gudbayo caqabadaha keenay khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

“Mar haddii ay xubnaha Baarlamaanka isu yimaadaan khilaaf iyo qodob lagu hakado midna ma jiri doono”ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo aynu weydiinay in xitaa isu imaatinka Xubnaha Baarlamaanka aaney keeni karin in laga gudbo khilaafka taagan.

“Caadifaddii shalay lagu soo kala tegay ma qabo in ay maanta jirto waayo halkii sano ee la fadhiyay Muqdisho iyo Jowhar wax badan ayaa la kororsaday”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble.

“Waxaa muhiim ah in ay isu yimaadaan xubnaha Baarlamaanka, waxaana inta badan la aaminsan yahay in caqabadda jirta laga gudbi doono, isla markaana loo gudbi doono in laga wada hadlo qaabka ay dowladda ku sii shaqeyn karto”ayuu sidoo kale yiri Xildhibaanka oo u waramayay Wargeyska Sanca Press ee Muqdisho ka soo baxa.

Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble ayaa diiday in ay qirtaan sida aaney wax uga qaban howshii ay soo ballanqaadeen ee wax ka qabashada xaaladda Magaalada Muqdisho, “Wax badan oo la qabtay ma jirto labada dhinacba haseyeeshee horumar yar oo la sameeyay ayaa jira, inkastoo aanu gaarsiisneyn halkii nagala rabay”ayuuna ku jawaabceliyay Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Isticmaalka Caleenta Shaaha oo aad ugu yaraaneyso Magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in lagu sumoobay

CALEEN SHAAHAxad, December 11, 2005(HOL): Muddo dhowr Asbuuc ah ayaa la xaqiijiyay in magaalada Muqdisho uu aad ugu sii yaraanayo cabitaanka shaaha rinjiga ah kadib markii ay soo if-baxeen warar sheegaya in ay dad ku sumoobeen Shaah ay cabeen oo caleentii lagu kariyay ay sumeysneyd.

Qoysas ku nool Muqdisho ayaa la soo weriyay in markii ay cabeen shaah laga sameeyay caleentaas sumeysan ay kala kulmeen calaamooyin ay ka mid yihiin matag iyo calool xanuun, waxaana dhawaanahan la arkayay in inta badan ay qoysaska Muqdisho u wareegeen isticmaalka Qaxwada la kariyo, iyagoo ka fogaanaya qatarta laga sheegayo Caleenta Shaaha, taasoo la sheegay in laga keenay Dalka Suuriya, isla markaana markabkii soo qaaday hal god oo uu ku siday sunta loo isticmaalo maqaarka xoolaha lala geliyay Caleentan.

Ma jirto baaris rasmi ah oo ay Dhaqaatiirta Caafimaadku ka sameeyeen halista laga sheegayo Caleentan sumeysan, inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in la arkay dad ay ka hoobteen timihii jirkooda ku yiilay, inkastoo ay Muqdisho taalo Caleen kale oo nadiif ah taasoo laga keenay dhinaca Kenya, walow iyadiina cabsi looga wada fogaaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Mas'uuliyiinta Maamulka Puntland oo Caqabad ku noqday in Deegaanadooda lagu qabto Shirweynaha Madasha Bulshada Soomaaliyeed

Axad, December 11, 2005(HOL): Mas'uuliyiinta Maamul goboleedka Puntland ayaa caqabad ku noqday in shirweynaha madasha bulshada Soomaaliyeed lagu qabto magaalada Boosaaso, sida uu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha madashaas (Somali Social Forum) Md. C/qaadir Khaliif Shiikh Yuusuf oo sheegay in ay aad uga xun yihiin go'aanka lagu arbushay qabsoomidda shirweynahooda seddexaad, isagoo xusay in ay ku xireen shuruudo aan la aqbali karin oo ah in loo soo gudbiyo liiska ka qeybgalayaasha iyo in ay Boolisku dul-joogayaan halka uu ka dhacayo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guddiga abaabulka madasha ee degmada Boosaaso ay qabashada shirweynaha u soo wareejiyeen dhinaca Muqdisho iyagoo ka xun go'aanka maamulkooda, wuxuuna Guddoomiyuhu xusay in shirweynahaas lagu qaban doono Muqdisho 24-26-ka bishan December, kaasoo lagu beegay sanadguuradii ka soo wareegatay Musiibadii Tsunami-ga ee 26-kii December 2004 ku dhufatay Xeebaha Badweynta Hindiya.

Dhinaca kalena, Baaq ay soo saareen Madasha Bulshada Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ololaha Caalamiga ah ee la dagaalanka saboolnimada ayaa shalay markii seddexaad xusay Marada cad ee seddexaad oo lagu beegay shir ay leeyihiin Wasiirrada ganacsiga ee ku bahoobay Ururka Ganacsiga Adduunka, kaasi oo ka dhici doona Jaziirada Hong Kong, iyadoo la xusay in cadaalad darrada ka jirta ganacsiga aaney maanta suurtagelineynin in dad badan oo faqiir ah ay ka baxaan faqriga, waxayna baaqooda ku xuseen in Dowladda Federaalka ay ku toosto is-bedelka ganacsi ee Caalamka looga baahan yahay, bacdamaa uu wax soo saarkoodu badanaa ku dhisan yahay Xoolaha iyo Beeraha, waxaana ku saxiixnaa Prof. Ciise Axmed Warsame.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online