4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2024
Soomaaliya iyo Emirates oo beeniyay in ay isku dhici gaadheen diyaaraha Emitares iyo Ethiopian Airlines
 

Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Dowlada Soomaaliya iyo shirkada diyaaradaha ee Emitrates ayaa labadooduba waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahisay Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, oo sheegayay in ay isku dhici gaadheen diyaarado ay leeyihiin Emirates iyo Ethiopian Airlines.

Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha Emirates ayaa sheegay in diyaaradoodu anay la kulmin wax khatar ah wakhtiga ay Somaliland sheegtay oo ahaa maalintii Axada ee 24 March.

"Emirates waxay xaqiininaysa in anay jirin wax diyaarad ah oo nagu soo dhawaatay taasi oo khatar galin kartay diyaaradayada wakhtigaa la sheegay, dhamaan diyaaradaha Emirates waxa ku rikiban qalab u sahalaya in ay ilaashato masaaafada" ayuu yidhi afhayeenku.

Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa HOL u xaqiijisay in anay labada diyaaradood isku jiho u duulayn, isla markaana ay Emirates kasoo duushay Nairobi una socotay Dubai, halka Ethiopian Airlines ay kasoo kacday Addis Ababa una socotay Benguluru, hay'adda ayaa sheegashada Somaliland ku tilmaantay been abuur.

Ethiopian Airlines iyadu dhankeeda kama jawaabin run ahaanshiyaha warbixinta Somaliland, iyadoo Somaliland ay sheegtay in ay la hadashay duuliyaha Ethiopian Airlines, si ay u siiso xogta khatarta shilka.

Somaliland ayaa sheegtay in isku dhicigaadheen diyaaraha Emirates Boeing 777 iyo Ethiopian Airlines Boeing 737 MAX, maalinimadii Axadii, kadib xog qaldan oo ay hagayaasha Muqdisho siiyeen, Somaliland waxay sheegtay in ay la hadashay duuliyaha Ethiopian Airlines, isla markaana ay kala badbaadisay diyaaradaha.