4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2024
Magaalada Caabudwaaq oo Maanta lagu toogtay ninkii dilay Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan
 

Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Waxaa maanta lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud nin dhawaan si bareer ah ugu dilay gudaha magaaladaas Samafale Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Ninkaan xukunka toogashada ah lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Axmed Cigaal ayaa laba maalin ka hor maxkamadda gobolka Galgaduud ku riday xukunka dilka ah ee maanta lagu fuliyay.

Cabdixakiin Axmed Cigaal ayaa Maxkamadda ka hor qirtay inuu si bareer ah u dilay Allah u naxariiste Wariye Samafale Cabdikariin Axmed Bulxan.

Fagaaraha ay ka dhacday toogashada lagu fuliyay ninkaan horay u dilay Wariye Bulxan ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiinta maxkamadda gobolka Galgaduud, maamulka degmada Caabudwaaq iyo ehelada labada dhinac ninka la toogtay, kuwa qisaasta loo fuliyay iyo dadweyne kale.

Dadka ku nool magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa si weyn u soo dhaweeyay xukunkaan dilka toogashada ah ee maanta lagu fuliyay ninkaan 13-kii bishaan Caabudwaaq sida bareerka ahaa ugu dhex dilay Samafale Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan.