4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 80 Shabaab ah lagu dilay howlgallo ka dhacay Mudug, Shabeellada Hoose iyo Bakool
 

Arbaco, Maarso, 27, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 Shabaab ah in lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Hawlgalka koowaad oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo ka dhacay degaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoos yimaada degmada Xarardheere, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay 40 Horjoogeyaal iyo dagaalamayaal Shaabaab ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay, Shabaabka lagu dilay halkaas inay ahaayeen kuwa isku aruursanayay oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere, oo sanad iyo bar ka hor laga xoreeyay gacanta Alshabaab.

Hawlgalka labaad oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 35 Shabaab ah, waxaana howlgalkaas iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada caalamka.

Hawlgalkan ayay dowladdu tilmaamtay in sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Shabaabkii soo weeraray Daaru-Nicma.

Hawlgalka Seddaxaad Lix ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay. Hawlgalkan ayaa lagu bartimaameedsaday fariisin Shabaabku ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.