4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2024
EU oo ergay cusub u magacowday Hawlgalka Tayeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya
 

Arbaco, Maarso, 27, 2024 (HOL) - Midowga Yurub ayaa madax cusub oo Ergo ah u magacaabay Hawlgalka Kobcinta Awoodda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Kęstutis Lančinskas, oo u dhashay dalka Lithuania, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Madaxa Ergada cusub ee Soomaaliya laga bilaabo 1 May 2024 ilaa 31 December 2024.

Wuxuu beddeli doonaa Kauko Aaltomaa.

Kęstutis Lančinskas hadda waa la-taliyaha arrimaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Lithuania. Kahor inta uusan xilkaan qaban, wuxuu ahaa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, wuxuuna mas’uul ka ahaa maaraynta xasaradaha iyo ilaalinta xuduudaha gobolka.

Howlgalka EUCAP ee Somalia waxaa la bilaabay July 2012. Hawlgalku wuxuu kor u qaadaa awoodda ilaalinta sharciga madaniga ah ee dalka iyadoo la taageerayo dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada, wuxuuna ka taageerayaa horumarinta sharciga, xoojinta cadaaladda dembiyada xuduudaha badda iyo bixinta talooyin ku saabsan siyaasadda wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliyeed.

EUCAP Somalia waxay sidoo kale taageertaa horumarinta hawlaha ilaalada xeebaha iyo booliiska badda ee gudaha iyo hareeraha dekedaha waaweyn ee Soomaaliya, waxayna fulisaa kaalmo dheeraad ah oo lagu horumarinayo ciidamada booliiska.