4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2024
Faahfaahin ku saabsan dagaal ciidanka dowladda iyo kuwa Alshabaab ku dhexmaray duleedka Xarardheere
 

Arbaco, Maarso, 27, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa deegaanka Bacadka Faarax Aadan oo 7km u jira degmada Xarardheere, ku weeraray Alshabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo laftiisu dagaalka ka qeyb qaatay ayaa sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Alshabaab, isla markaana ay halkaas ku laayeen tiro badan oo Shabaab ah oo ay ku jiraan Ajaanib.

Guddoomiyaha ayaa sheegay dagaalku inuu socday muddo saacadood oo xiriir ah, isagoo xaqiijiyay inay haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan askar ciidanka dowladda kaga dhintay howlgalka. wuxuu tilmaamay in labada ciidan ay gacanta iskula tageen markii ay uu ku dhamaaday rasaastii ay ku dagalaameen.

Wuxuu sheegay in Alshabaab ay ciidamo badan kusoo daaduleen degaanka Bacadka Faarax Aadan, si ay u weeraraan degmada Xarardheere. laakiin wuxuu sheegay ciidanka oo ku dagaalamayay mooral inay ka guulasyteen inay jebiyaan Alshabaab.