4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2024
Kooxda Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ka fulisay deegaanka Daarunicma

Talaado, Maarso, 26, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay weerar culus ay ku qaaday deegaanka Daarunicma ee gobolkaas.

Weerarka kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Daarunicma ayaa ku bilawday qaraxyo xoogan, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray kooxda iyo ciidamada dowladda ee halkaasi fariisimaha ku lahaa.

Ilo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka halkaas ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabaab inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka aroornimadii hore dhacay ayaa lasoo warinaya in labada dhinac uu soo kala gaaray khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeshee aanan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Daarunimca ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay halkaasi ka fuliyeen saakay aroortii hore, iyagoona sheegtay in deegaankaasi khasaaro badan ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka saakay lagu qaaday fariisimaha ciidanka dowladda ee jooga deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.