4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2024
Banaanbax lagu taageeraayay wax ka badalka Dastuurka oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayay qorshaha wax ka badalka Dastuurka ku meel gaarka ah oo ay ku howlan yihiin madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Qorshaha wax ka badalka Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa haatan maraya marxaladii u dambeysay ee la xariirta ansixintiisa, kaasoo mudooyinkii dambe doodiisu ka socotay Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay madaxda maamulka gobolka Banaadir Wasiiro  Xildhibaano iyo masuul kala duwan iyo dad weyne kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo khudbad ka jeediyay banaanbaxa ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu muhiim u yahay dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ansixinta Dastuurka ay jiheyn doonto in shacabka gobolka Banaadir ay helaan xaquuqdooda.

“Soomaaliya waxaa Dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka mid ah masuuliyiinta ka hadashay banaanbaxa ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha mucaaradka ee diidan wax ka bedelka Dastuurka.

“Qof kasta ha ogaado in dadka diidan dhameystirka Dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado, dhalinyaro waxa Dastuurka wax ka badalkiisa loo diidan yahay waa inaad heshaan xaquuqdiina oo aad codkiina si xur ah ugu doorataan qifkii idin matali laha” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Ugu dambeyntii banaanbaxaan maanta ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegnay, iyadoo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay wax ka badalka Dastuurka oo ay isku hayaan madaxda dowladda Fedaraalka iyo xubnaha mucaaradka ah.