4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2024
SSC- Khaatumo: Ka aqbali mayno dowladda federaalka in mashaariicda nalasoo marsiiyo Somaliland
 

Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - SSC- Khaatumo ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka Soomaaliya in mashaariic loogu talo galay degaanada SSC- Khaatumo loo marsiiyay Somaliland, taasoo ay sheegeen inay muujinayso in dowladda federaalku weli aaminsan tahay in degaanada SSC- Khaatumo ay katirsan yihiin Somaliland.

Ku xigeenka hoggaamiyaha SSC- Dr. Maxamed Shiine ayaa sheegay, dowladda federaalka in looga baahan yahay inay mashaariicda bini’aadantinimada u qeybiso si caddaalad ah, si gaar ahna u eegto degaaanada nugul sida SSC- Khaatumo.

DR. Shiine wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in dowladdu mashaariicdii loo qoondeeyay in laga fuliyo SSC ay geyso magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay inay horey dowladda uga tabanayeen in aysan kasoo bixin kaalinta ay ka filayeen.

“Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan. Mise waxaa la rabaa in mashaariicahaas ay Somaliland ku gadato hub iyo saanad ay kusoo weerarto SSC- Khaatumo,” ayuu yiri Dr. Shiine.

Hadalka hoggaamiye ku xigeenka SSC- Khaaatumo ayaa yimid, iyadoo dowladda federaalku ay u qoondaysay lacag badan 60 milyan oo dollar lagu bixinayso arrimaha waxbarashada.

Degaanada laga fulinayo mashruucaan oo socon doona saddex sano  kuma jirto SSC- Khaatumo.