4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2024
33 kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo ku xirnaa Soomaaliya oo la sii daayay
 

Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga magaalada Muqdisho ka sii deysay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay dalka Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalla Iran ee IRNA.

kalluumeysatadan iyo badmaaxiyiintan ayaa dib ugu laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour.

Gholampour ayaa intaa ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.

Waxa uu sheegay in ajendaha labada dhinac ay ka mid yihiin diyaarinta heshiis iskaashi oo dhanka kalluumeysiga ah oo ilaalin doona danaha labada dhinac, loogana hortagayo soo laabashada kalluumaysiga sharci darrada ah ee kalluumeysatada Iran ay ka wadaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Iraaniyiintan xagaagii hore ee 2023-kii, kaddib markii iyagoo aan heysan sharciyo ay badda Soomaaliya kaga kalluumaystaan lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Kadibna waxaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah, iyo ganaax lacageed oo gaaraya boqolaal kun oo Doollarka Mareykanka ah, sida ay sheegtay IRNA.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iran sanadkii 2016, iyadoo sabab uga dhigtay faragelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.