4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2024
Farmaajo oo faahfaahin ka bixiyay hakad ku yimid safar uu ku tagi lahaa deegaanada Khaatumo State
 

Axad, Maarso, 24, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimid safar uu qorsheynayay inuu ku tago deegaanada Khaatumo State.

Farmaajo ayaa sheegay in qorshaha ay ugu jirtay inuu safar ku tago magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Khaatumo State iyo deegaanada kale, hayeshee uu sheegay in daruufo jiro ay u saamixi waayeen.

“Waxan dooneyney in kastoo waqtigu nagu yar yahay inaan tagno Laasacaanood, ee Khaatumo State, laakiin iyada laftigeeda dadka uga turnay xiligan adag ee kuleylaha ah iyo bishan ramadaan ee dadku cibaadeysanayaan, inaan dadkii dhib u gaysano, kulamadooda iyo soo bixitaankooda” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sidoo kale sheegay Farmaajo in isaga iyo hoggaamiyaha maamulka Khaatumo State Cabduqaadir Firdhiye iney isla garteen inuu booqashadiisa deegaanada Khaatumo uu markale ka dhigto.

"laakiin aniga iyo markii aan wadahadalnay hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye aan isu sheegnay in ay qurxoon tahay in aan dib u soo noqdo, marka uu halkan shirku ka dhacaayo (Garoowe) aan waqti fiican ku imaado Khaatumo, kana bilowno Laasacaanood, Buuhoodle, Guumeys iyo Carooley iyo wixii suurtagala oo deegaannadaas ah oo dadka la kulano” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyadoo Farmaajo uu Garoowe u joogay maalmihii la soo dhaafay u shir looga soo horjeedo nidaamka loo marayo dib u eegista iyo wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan yihiin madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.