4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2024
Raysal wasaare Xamse oo magacaabay Guddi ka shaqeynaya olalaha doorashada hoggaanka Ururka Midowga Afrika

Sabti, Maarso, 23, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku magacaabay guddi ka shaqeynaya ololaha doorashada Soomaaliya ay ugu jirto hoggaanka sare ee Ururka Midowga Afrika.

Guddigaan uu magacaabay Raysal wasaaraha oo ka kooban heer wasiiro ayaa ah lix xubnood, kuwaas oo ka shaqeynaya qaban qaabada ololaha doorashada guddiga Midowga Afrika oo ay Soomaaliya uga sharaxan tahay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Xubnaha guddiga la magacaabay ee Wasiiradda ah ayaa kala ah Biixi Iimaan Cige, Daa’uud Aweys Jaamac, Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Cabdullahi Axmed Jaamac, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Cali Maxamed Cumar.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeynaya qaban-qaabada ololaha doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (Chairperson of the Afrika Union Commision) ee sanadaha 2025-2028” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaare Xamse.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray guddiga heerka wasiirada ah iney gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si ay Soomaaliya door muhiim ah ugu yeelato hoggaanka Midowga Afrika oo doorashadeedu dhici doonto bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2025.