4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2024
Wasiir Juxa: Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu ku howlan yahay inuu ka taqlusiyo nidaamka federaalka
 

Sabti, Maarso, 23, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay, in aysan aqoonsan doonin wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Wasiir arrimaha gudaha Mr. Juxa oo la hadlayay BBC Soomaali, ayaa sheegay, inay Puntland sanad ka hor kasii digtay faro galinta dastuurka, iyadoo aan laga wada tashan.

Juxa, wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku howlan yahay inuu ka taqlusiyo nidaamka federaalka, oo uu dalku u yeelo labo xisbi oo magac uyaal ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay, madaxweyne Xasan Sheikh inuu fashiliyay gogashii uu Garowe dhigay madaxweyne Deni, taasoo looga wada hadli lahaa in laga heshiiyo arrimaha la isku hayo oo uu dastuurku qeyb ka yahay.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh inuu iska indho tiray baaqyadii loo jeediyay ee ku saabsanaa in la joojiyo wax ka beddelka dastuurka. Wuxuu sheegay, Puntland go’aankeeda inuu meel cad u yaala haddii dowladdu wax ka beddel ku sameyso dastuurka.