4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2024
Puntland oo markale si kulul uga hadashay arrimaha wax ka badalka Dastuurka
 

Jimco, Maarso, 22, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa si kulul uga hadlay qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Wasiir Fiqiyoow dastuur aan soomali u dhammeyn adiga iyo Xassan Shiikh iyo Xassan Macalin ma badalikartaan, meel aad gayn kartaana ma jirto ee cayaarta jooji, Dastuurka KMG ee qeexaya hanaanka Federaalka iyo nidaamka dowliga ah ee dalku qaatey oo ah Baarlamantari, leh Xisbiyo badan, Madaxwayne iyo Raisulwasaare waxaa shaqadiisu ka soo bilaabatey  cahdi-qarameedkii ka soo baxey Shirkwaynihii Imbigaati 2003-2004 kaas oo ay ansaxiyeen 3000 oo ah Ergo Somaliyeed. Waxaa sidaas lagu qaatey Nidaamka Federaalka ah" ayuu yiri Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Cabdiwahab.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Cabdiwahab in Wasiir Fiqi looga baahan yahay inuu Al-shabaab ka xureeyo deegaanada uu kasoo jeedo oo ay kooxdu ka talineyso mudo ka badan 15 sano.

"Fiqiyoow deegaanka aad ka soo jeedaan ee shabaabku haysto 15 sano calan Soomaliyeed aan laga taagin orad oo ka xoree shabaabka, adeegyada dowladdana dadka gaarsiiya, ayadaa dan inoo wada ah maante" ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdiwahab.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inaan waqtigaan loo baahneen in la badalo Dastuurka, hayeeshee waxa loo baahan yahay ay tahay kaliya in la heshiiyo oo la dhameystiro qodobada dhiman.

"In cahdi-qarameedkaas loo badalo dastuur, waxaa shaqadiisu bilaabatey 2005, waxaa loo xilsaarey Guddi Qaran (IFCC), kuwaas oo soo diyaariyey dastuurka KMG kaas oo ku yimid wadatashi bulsho iyo mid siyaasadeed oo socdey sanadihii 2010 - 2012, ka dibna lagu ansaxiyey Afti laga qaadey Ergo somaliyeed oo dhan 825 Mugadishu 1st Aug, 2012. Waxaa sidaas ku dhaqan-galay dastuurka KMG, dalkuna wuxuu ka baxey dowladdii KMG aheyd. ayadoo loo marayo wadatashi ballaaran iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey, sida uu farayo dastuurka KMG qodobadiisa 50aad ilaa 54aad, qodobkiisa 133aad, farqadiisa 1aad ilaa 12aad si dastuurka dalku uga baxo ku meel gaarka Looguna diyaariyo afti dadwayne" ayuu yiri Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland.

Hadalka kasoo yeeray wasiirkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay sii kordheyso diidmada qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay mudooyinkii dambe doodiisu ka socotay Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya.