4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2024
Dowladda Fedaraalka oo soo bandhigtay Muqaalka qaabkii loo fuliyay qaraxyadii Suuqa Bakaaraha iyo ragii fuliyay
 

Jimco, Maarso, 22, 2024 (HOL) - Warbaahinta qaranka ayaa baahisay warbixin Muqaal ah oo lagu soo bandhigay cadeymo ay duubeen Kaamirooyinka qarsoon, kuwaas oo duubay muqaalo muujinaya qaabka kooxda Al-shabaab ay u fulisay qaraxyo ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Muqaalka ay sii daayeen warbaainta qaranka ayaa waxaa si toos ah ugu soo muuqanaya ragii fuliyay qaraxyada iyo waliba kuwii ka gacan siinaayay.

Kaamirooyinkaan ayaa amarka lagu xiray markii waxaa lahaa dowladda Soomaaliya oo ugu talogashay iney ka caawiso dhanka amiga iyo helista xogaha qarsoon.

Muuqaalka lasoo bandhigay ayaa sahlay in wax badan laga ogaado qaababka ay kooxdu u filiso qaraxyada ay ka geysato goobaha ganacsi ee ku yaala Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha, waxaana kaamerooyinka ay duubeen muuqaalka koox ka koobneyd lix qof oo ka tirsan Al-shabaab.

Kaamerooyinka ayaa sidoo kale duubay Muqaalka koox kale oo iyagana ku howlana faafinta warqado lagu hanjabo ganacsatada Suuqa Bajaaraha, taasoo la xariirtay iney ganacsata isticmaalin Kaamirooyinka qarsoon.

Inta la xaqiijiyay qaraxyada kooxdaan ay ku xirtay goobaha ganacsi ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 30 qof, islamarkaana tiro kale oo intaas ka badan ayaa ku dhaawacmay.