4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2024
In ka badan 100 maxbuus oo lagu sii daayay Cafis Madaxweyne
 

Jimco, Maarso, 22, 2024 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa Cafis madaxweyne kusii daayay 116 maxbuus oo ku kala xirna xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBCC ee ku yaala Ex koontarool Afgooye.

Maxaabiistaan lagu sii daayay cafiska madaxweyne ayaa la tilmaamay iney u xirnaayeen dambiyo kala duwan oo fudud, islamarkaana qaarkood la sheegay iney dhameysteen inta badan xukunadooda.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Farxaan Xuseen Maxamed oo fagaare kula hadlay maxaabiista la sii daayay ayaa kula dardaarmay iney ka faa'iideystaan fursada la siiyay, isagoona u mahadceliyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan idin sheegeynaa in Cafiska aad ku baxdeen uu idin fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaabadda Bisha Barakeysan awgeed, qof walba waxaa laga rabaa in uusan u laaban waxii loosoo xeray” ayuu yiri Xeer Ilaaliye ku xigeenka Farxaan Xuseen.

Maxaabiista la sii daayay ee fursada cafiska madaxweyne ku xuroobay ayaa ahaa kuwa u badan dhallinyaro aad u da’yar oo ku eedeysana dambiyo fudud.

Ugu dambeyntii Xeer Ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayay xabsiyada ay ku jireen iney ku heleen adeegyo cafimaad oo bilaash ah, waxbarasho, iyo goobo kale oo lagu cayaaro.