4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2024
Hirshabeelle: Suurtagal ma ahan in cid aan sharci ahayn ay hor istaagto cid sharci ah
 

Jimco, Maarso, 15, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne inuu sabab u ahaa markii jidgooyo loo dhigay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in koox hubaysan ay jidgooyo dhigteen halka uu guddoomiyuhu xafiiskiisa uu mari lahaa, taasoo uu sheegay inay keentay inay isku dhacaan ilaalada guddoomiyaha iyo kooxda hubaysnayd.

Wasiirka ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo ciidamadiisa ay bannaanka uga saareen magaalada, kuna amreen inuu tago degaanka Ceel Jaalle, inta magaaladu kusoo laabanayso xasiloonideeda

“Suurtagal ma ahan in cid aan sharci ahayn ay hor istaagto cid shatci ah. Tabasho waa la qabi karaa, laakiin ma aqbalayno in qori la isku qaato, iyo in la sameeyo maamulo fake ah (been abuur ah), kuwaas oo carqalad ku ah maamulkii sharciga ahaa.” Ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guure.

Wasiirka ayaa ku baaqay in guddoomiyaha gobolka Hiiraan loo madax banaaneeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo, wuxuuna soo dhoweeyay dadaalada odayaasha dhaqanka oo ku howlan sidii loo joojin lahaa colaadda.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle ayaa yimi kadib dagaal xooggan oo shalay magaalada Baledweyne ku dhaxmaray ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan state.  

Ciidamada Hirshabelle ayaa si awood ah looga saaray gudaha magaalada baledweyne, iyadoo ciidmada kasoo horjeeda ay la wareeeen xaruntii maamulka gobolka Hiiraan.