4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2024
Faahfaahin ku saabsan weerarkii Shabaab ay ku qaadeen hotel SYL
 

Jimco, Maarso, 15, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaan weli soo afjarin weerarkii xalay lagu qaaday hotel SYL, halkaas oo ay xalay dabley katirsan Alshabaab ay gudaha u galeen markii ay qaraxyo ku weerareen hotelka.

Ciidamada dowladda ayaa weli gudaha hotelka kula dhex dagaalamaya dhowr nin oo katirsan Alshabaab, iyagoo ku guulaystay in badi raggii hotelka weeraray ay ciidamadu dileen.

Taliyaha ciidanka Haramcad Cabdixamiid Fanax, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale iyo xildhibaan Cusmaan Yuusuf Xoosh ayaa kamid ah masuuliyiinta la xaqiijiyay inay ku dhaawacmen weerarka.

Waxaa jira masuuliyiin dowladda katirsan iyo dad shacab ah oo weli lagu la’ yahay weerarka, kuwaas oo xalay ku sugnaa gudaha hotelka.

Illaa iyo hadda lama xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkan, iyadoo ay dad badan kasoo badbaadeen hotelka markii ay boodeen darbiyada.

Alshabaab ayaa sheegatay in ay la wareegeen gacanta ku hayn hotelka, iyagoo sheegay inay laayeen masuuliyiin badan oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Waxay sheegeen in ay hotelka ay ku shirnsanaayeen masuuliyiinta dowladda katirsan.