4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Cali Jeyte "Waxaan waynay rasaas aan kula dagaalano Al-shabaab, tii dowladana waxaa lagu dhibaateynaya dadka reer Baledweyne"
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga hadlay dagaal khasaare geystay oo gudaha magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan state.

U qeybsanaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee ciidamada macawiisleyda Cali Jeyte ayaa dagaalka saacadaha badan qaatay ee ka dhacay Baledweyne ku eedeeyay in masuul ka yihiin maamulka Hirshabelle.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa tilmaamay in ciidamo laga soo abaabulay magaalada Jowhar ay weerar ku qaadeen magaalada Baladweyne, islamarkaana rasaasta ay la dhaceen dadka reer Baledweyne ay tahay rasaas dowladda Fedaraalka leedahay.

"Rasaasta lagu ridayo magaalada Baladweyne laguna weeraray waa mida dowladda Soomaaliya leedagay, anagana waxaan waynay rasaas aan kula dagaalano Al-shabaab, tii dowladdana waxaa lagu dhibaateynaya dadka reer Baledweyne" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay Cali Jeyte in heshiiskii ay horey ugula soo galeen Maxaas  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in dhankooda ay ilaaliyeen, hayeeshe dhinaca kale ay ka baxeen balamahii la wada galay.

"Nimanka ugu waa weyn Habarshiish ee Jowhar fadhiya ayaa dagaalka ka dhacay Baledweyne ka dambeeya, dhankeena balankii wan dhowrnay ee madaxweynaha arinkaasi waa inuu si dhab ah u eega, ma ahan in dad rayid ah maalin walba lagula diriro rabitaankooda" ayuu Cali Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray u qeybsanaha xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciidanka Macawiisleeyda ayaa kusoo aadaya xili dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay magaalada Baledweyne, looga adkaaday ciidanka Hirshabeelle oo laga saaray barqanimadii maanta guud ahaan xaafadaha Baledweyne.