4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2024
Mareykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Arbaco, Maarso, 13, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn dhanka cirka oo ay ka fuliyeen deegaanka Ugunji oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta dhanka cirka ah ay ka dhacday deegaanka Ugunji 10-kii bishaan oo ku beegneyd Sabtigii lasoo dhaafay.

Taliska Africom ayaa tilmaamtay in duqeynta ay aheyd mid ku timid codsi uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana lagu dilay sadax ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Mareykanka ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah lagu beegsado deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.