4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2024
Muqdisho: Aabe 80 jir ah oo gacantiisa ku dilay wiil uu dhalay
 

Talaado, Maarso, 12, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxay dil naxdin leh oo Xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kadib markii Aabe 80 jir ah uu gacantiisa ku dilay wiilkiisii.

Aabaha 80 jirka ee dilka u geystay wiilkiisa ayaa yimid, kadib markii ay dagaalameen isaga iyo wiilkiisa, waxaana la sheegay in odaga wiilkiisa uu ku dilay toogasho.

Aabaha dilay wiilkiisii ayaa magaciisa lagu soo koobay Qadar , iyadoo wiilkiisana lagu magacaabi jiray Maxamuud Qadar, waxaa la sheegay in khilaaf mudo soo jiray uu ka dhaxeeyey odaga iyo wiilkiisa khilaafkaas ayaana sababay in wiilkii uu Toorey u soo qaato Aabihiis, hayeeshee odaga ayaa qori guriga u yaalay ku toogtay wiilkiisa, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen dad daris lahaa qoyskaan.

Dilkaan argagaxa leh ayaa dhacay Salaadii Maqrib kadib xiligaas oo ay dadka intooda badan Afurayeen maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, waxaana dhacdadaan aad uga argagaxay ehelka qoyska reer Qadar iyo shacabka ku nool degmada Kaaraan oo saakay dhacdadaan si weyn u hadal haayo.

Aabaha dilay wiilkiisa ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana haatan baadi goobaya ciidamada amaanka oo shacabka reer Muqdisho ugu baaqay in ciidanka ka gacan siiyaan soo qabashada Aabaha dilay wiilkiisii.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo bishii dhamaatay Muqdisho ay ka dhaceen dhacdooyin noocaan oo kale ah oo ka dhex dhacay dad isku qoys ahaa.