4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2024
Somaliland oo u digtay waddamo ay sheegtay in ay rabaan in ay farogaliyaan is-fahamka ay Itoobiya la gashay
 

Isniin, Maarso, 11, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa u digtay waddamo anay magac dhabin oo ay sheegtay in ay rabaan in ay faraha lasoo galaan isfahamka ay la saxeexatay Itoobiya.

Qoraal lagu baahiyay bogaga Wasaarada Arrimaha Dibadda, ayaa lagu sheegay in Somaliland anay marnaba aqbali doonin waxkasta oo ka hor imanaya danteeda.

"Somaliland waxay si aan ka leex leexad lahayn u diidaysa muquuninta noockasta oo ay noqoto, gaar ahaan wixii kasoo horjeeda danteeda qaranka, ama doonisteeda madaxbannaanida" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka waxa lagu sheegay in heshiiskii ay dhawaan kala sexeexdeen Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid sababaya iskaashi iyo ka wada faa'iidaysi laba geesood ah, oo labada dhinacba badhaadhe u ah.

Waxa uu intaa ku daray in ay Somaliland soo dhawaynayso wadashaqayn kasta oo wax dhisaysa, oo ay la yeelato caalamka, lakiin ay ka foojigantahay waddamo iyo ururo doonaya in ay danahooda shaqsiga ah uga faa'iidaystaan heshiiska Itoobiya.

"Somaliland si wayn ayay u fahansantahay waddankasta ama ururkasta oo doonaya in uu faraha lasoo galo hawshan, isaga oo ku dhexdhuumanaya arrinta beenta ah ee ah ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, si ay u gaadhaan danaha qaramadooda" Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Ugu dabayntii, waxa qoraalka lagu sheegay in ay Somaliland ka go'antahay ilaalinta nabada guud ee gobolka iyo caalamka, isla markaana ay ku foogaantahay ilaalinta gaar ahaan biyaha Badda Cas.