5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
Ku dhawaad 100 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Koonfurta gobolka Mudug
 

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal saacado badan qaatay oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka oo ahaa mid isugu jiray cir iyo dhul ayaa ciidamada iskaashanaya waxay ka fuliyeen meel u dhaw deegaanka Jeex jeexa oo kooxda Al-shabaab ay ka qoteen godad waa weyn oo difaac ah.

Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalkii Shalay dhacay lagu dilay in ka badan 50 ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana duqeyn dhanka cirka ah oo Xalay dhacday lagu dilay 26 Shabaab ah oo uu ku jiro horjoogahoodii.

"Howlgalkii dagaal ee ka dhacay Mudug kooxda Argagixisada ah waxaa looga dilay in ka badan 50 ruux oo maleeshiyaad ah, waxaana laga weeraray dhulka iyo dusha sare.Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Caawa Duqeymo dhanka cirka ah ku dilay 26 dhagar qabe oo mid ka mid ah uu ahaa horjoogihii kooxda ee caawa la qaarijiyay" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska xoogga dalka.

Warka kasoo baxay Taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay duqeynta lagu Bur buriyay gaari noociisu yahay dheyno ah oo ay la socdeen horjogayaal iyo Maleyshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

"Maalmaha soo aadan waxaa la soo afjari doonaa Howlgalka ka socda Gobalka Mudug, gabi ahaan Argagixisada ayaa laga suuli doonaa Goobaha ay ka qoteen godadka ay gabaadka moodeen" ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba ha ahaatee howlgalada culus ee shalay ilaa xalay ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Jeex jeexa ayaa lagu dilay Abaanduulahii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Taliye Suulnuug oo hoggaaminaayay ciidanka dowladda.