4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2024
Haweeneey Maanta xarig ku dishay ninkeedii oo ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda
 

Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dhacdo naxdin leh oo maanta ka dhacday degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho, taasoo ah in haweeney ay maanta dishay ninkeedii.

Wararka ayaa sheegaya in ninka ay dishay haweeneyda uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwii lagu soo tababaray dalka Eretariya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cismaan Maxamed.

Qaar ka mid ah dadka degan kaamka Badbaado oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegeen in haweeneyda ninkeeda cuntada wax ugu dartay kadibna ay ku dishay xarig ay ku ceejisay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ninka la dilay iyo haweeneyda ay maalmo kooban kaliya is qabaan, walina si rasmi ah looma iga sababta keentay in haweeneydaan ay ninkeedii xarig ku ceejiso.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya oo dhacdadaan si kooban uga hadlay ayaa sheegay in arintaan ay soo gaartay, hayeeshee wali ay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho iyo meelo kale ka dhacay dhacdooyinka aadka looga argagaxo ee ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed, waxaana dilkaan maanta dhacay uu noqonaya kii afaraad oo maalmo gudahood ka dhaca qeybo ka mid ah dalka.