4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2024
Wasiiradda Difaaca dalalka Turkiga iyo Soomaaliya oo heshiis muhiim ah kala saxiixday
 

Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Yaşar Güler.

Wasiiradda Difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis muhiim ah oo la xariira dhinaca Difaaca iyo dhaqaalaha.

"Waxaan wada sixiixaney heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada walaalnimo ee mar walba ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowlada Soomaaliya.