4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2024
Golaha wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay 10 safiir oo la magacaabay
 

Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo Soomaaliya uga howlgali doona qaar kamid ah dalalka caalamka.

Sida ay dowladdu sheegtay, safiirradan ayaa loo diridoonaa dalalka ay Soomaaliya la wadaagto xiriirka Diblumaasiyadeed, balse weli lama sheegin magacyada dalalka loo magacaabay.

Waa safiirradii ugu badnaa ee ay dowladdu halmar magacowdo, waxayna kusoo beegantay xilli Soomaaliya ay doonayso inay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka caalamka, si ay u yeelato isbahaysi ay iska kaashadan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)

2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi

3. Cali Cabdi Awaare

4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)

5. Bashiir Xasan Xaaji

6. Fathudin Cali Maxamed

7. Xuseen Cabdi Xalane

8. Khadiija Cosoble Cali

9. Khadra A Dualle

10. Ridwan Xirsi Maxamed