4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2024
Cudur aan la aqoonsan oo Xoolo badan ku laayay gobolka Hiiraan
 

Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in halkaasi maalmahii lasoo dhaafay xoolo badan u dhinteen cudur la garan waayay noociisa iyo waxa sababa.

Cudurkaan oo aan wali la aqoonsan noociisa, islamarkaana ah mid ku cusub deegaanka iyo xoolaha dhaqatada ayaa la sheegay inuu galaaftay xoolo aad u badan oo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane Muumin Eelaay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cudurkaan uu xoolahii ka laayay ilaa 62 qoys oo ka mid ahaa xoolo dhaqatada deegaanka.

"Cudurkaan waa mid cusub oo neefka markuu ku dhaco maalin iyo habeen ayuu heyna kadibna wuu baqtinaya, qoysas badan ayuu dhaafiyay xoolahoodii qoys an aniga ogahay wuxuu ka dhameeyay 200 oo neef, hada waxay soo galeen magaalada ayagoo gacan maran" ayuu yiri guddoomiye Muumin Eelaay.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha degmada Maxaas in dadka qaar oo xoolaha qashay hilibkoodii ay ku xanuunsadeen, wuxuuna ka dalbaday hay'adaha ku shaqada leh arimahaan inay yimidaan oo ay baaritaan ku sameeyaan.

Dadka ku nool deegaanada hoostaga Maxaas ayaa ah dhamaantood dad xoolo dhaqato ah, waxayna haatan wajahayaan walwal xoogan oo la xariira in xoolahooda ay kaga dhamaadaan cudurkaan ku dhacaya ee aanan la garaneyn.