4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2024
Xisbiga Waddani oo cambaareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees
 

Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in aan sharciga loo marin xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo shalay Maxkamada Degmada Hargaysa ay sannad iyo lix billood ku xukuntay.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in abwaanka si jujuub ah dacwadiisa loo qaaday isla markaana aan garyaqaan loo qaban, nidaam sax ahna loo qaadin.

"Xukuumada Muuse Biixi waxay maraysa in ay qoysaskii kala dhexgasho, oo ah unugii u hooseeyay ee bulshada, waxaanu ka xunahay xadhiga sharci darada ah ee lagu xukumay Abwaan Abees, in inta habeen la xidhay maalintii ku xigtayna la yidha waxa lagu xukumay sannad iyo lix billood" ayuu yidhi xogeeyuhu.

Waxa uu sheegay in xataa hadii ay jirto eeda uu abwaanka aabihii kusoo oogay ee ah in uu yahay waalid caasi, aanu xadhigiisu ka badan karin muddo 6 billood ah sida uu sharcigu sheegayo.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa 5 tii bishan xabsiga loo taxaabay kadib markii uu aabihii ku eedeeyay in uu yahay waalid caasi, iyadoo shalayna Maxkamada Degmada Hargaysa ay ku xukuntay sannad iyo lix billood.

Dhanka kale, abwaanka hooyadii oo la hadashay MMTV, ayaa sheegtay in wiilkeeda ay xukuumadu xidhay, isla markaana loo soo dhexmaray aabihii, lana doonayo in la bahdilo, oo eed aanu lahayn lagu qaado.

Abwaanka ayaa 2 dii bishan Hargaysa kusoo bandhigay buug uu ku dhaliilayo xukuumada oo la magac baxay "Mayal" buuggan oo lasoo bandhigay kadib sannado ay xukuumadu xayirtay.