4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2024
Khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha oo sii kordhaya
 

Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxyo maalintii shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxyada suuqa Bakaaraha, kuwaas oo sidoo kale burburiyay xarumo ganacsi iyo dhismayaal kale .

"Waxaan tiriyay toban qof oo dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen, gabi ahaan dukaankeygii wuu burburay, qaraxyada waxay ka dhaceen afar goobood oo ku yaalla bartamaha suuqa," ayuu yiri Xasan Cali oo ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha oo la hadlay Reuters.

kalkaaliyayaal caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in in ka badan 20 qof oo dhaawac ah la keenay xarunta.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaano ay ku socdaan, welina masoo saarin wax faahfaahin ah oo ku saabsan qaraxyada ka dhacay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee Soomaaliya.

Balse, maamulka gobolka Banaadir ayaa si horudhac u beeniyay in qaraxyada ka dhacay suuqa Bakaaraha ay ahaayeen madaafiic.

Maamulku wuxuu sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen qaraxyo lagu beegsanayay ganacsatada Bakaaraha.

Lama oga sababta ka dambeysa qaraxyadaan, inkastoo kooxda  Al-Shabaab ay si joogto ah qaraxyo uga fuliyaan deegaanada ay ku badan yihiin dadka ku nool gobolada dalka.