4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2024
Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya haweeney lagu dilay Caabudwaaq
 

Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Xalay ku dileen gudaha degmadaas haweeneey caan ka aheyd.

Haweeneyda kooxaha hubeysan ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuure Xuubeey, taasoo lagu dilay meel u dhaweyd gurigeeda oo ku yaala Xaafada Ubax ee degmada Caabudwaaq.

Wararka hordhaca ee kasoo baxaya dilka marxuumada ayaa sheegaya in kooxaha dilay ay ahayeen burcad, kuwaas oo ka dhacay Mobeylkii ay wadatay haweeneyda.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen dad dhowr ah oo lagu tuhmayo iney ka dambeeyaan dilka.

 Dadka ku nool magaalada Caabudwaaq ayaa maanta si weyn u hadal haaya dhacdadaan kooxaha hubeysan ay Xalay ku dileen haweeneeydaan lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuur oo si weyn looga garanaayay Caabudwaaq.