4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2024
Lix ka mid ah Al-shabaab oo ku geeriyootay qarax ay ku diyaarinayeen gobolka Hiiraan
 

Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax galinkii dambe ee shalay ka dhacay guri ku yaala deegaanka Beera yabaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo jugtiisa aheyd mid aad u xoogan ayaa laga maqlay meelo ka fog deegaanka, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ku qarxay xubno ka tirsan Al-shabaab oo guriga ku dhex diyaarinaayay.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix ka mid ah xubnaha Al-shabaab ee qaraxaasi ku diyaarinaayay gurga dhexdiisa.

“Ilaa iyo Lix Khawaarijta ka tirsan ayaa ku geeriyooday qarax ay sameynayeen, Halka Dhaawaca uu gaarayo 4 dhagarqabe. Xili ay ku sugnayeen Guri ku yaala Degaanka Beera yabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya.

Deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanadii kooxda A-shabaab laga xureeyay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana haatan xaalada deegaankaasi ay tahay mid degan.