4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2024
Eedeysane Sayid Cali oo galabta laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde
 

Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ah nin ku eedeysan inuu dhawaan Muqdisho ku gubay Xaaskiisii oo Xaamilo aheyd.

Ninkaan eedeysanaha ah ayaa baadi goob dheer kadib ciidamada amaanka ka soo qabteen isagoo ku dhuumaaleysanaya deegaanka Cadeyleey ee gobolka Mudug.

Eedeysanahaan ayaa la filaya in si deg deg ah loo horkeeno Cadaaladda, waxaana xusid mudan in aanan wali la aasin xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis.

Aabaha dhalay Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa sheegay in gabadhiisa iyo ninkaan ku eedeysan dilkeeda in isku mar la wada aasi doono oo ay haatan wali ku jirto Firinjeer, isagoona dowladda ka dalbaday in loo qisaaso ninkaan.

Alle ha u naxariistee Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa Jimcihii lasoo dhaafay u geeriyootay dhaawac culus oo kasoo gaaray dab uu ku gubay ninkeedii Sayid Cali Macalin Daa'uud.

Dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga carooday falka lagu gubay Luul sheekh Cabdicasiis oo aheyd hooyo haysatay 6 caruur oo agooman ah ayaa si weyn isha ugu haya talaabada ay ninkaan ka qaadi doonto dowladda.