4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2024
Guddoomiye Xirsi oo ka hadlay warar sheegayay in lagu xidhay dalka Ingiriiska
 

Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa beeniyay warar sheegayay in dowlada Ingiriisku ay wax ka waydiisay baasboorkiisa, isla markaana lagu xidhay London.

Bilihii u danbeeyay oo uu Xirsi ku maqnaa magaalada London, ayaa waxa baraha bulshada lagu baahiyay in guddoomiyaha ay dowlada Ingiriisku xidhay, kadib markii uu baasboorka dalkaas si sharci daro ah ku qaatay, Xirsi ayaa dhankiisa wax lala yaabo ku tilmaamay wararkaa.

"Xukuumada cadaawadeeda runtii waan la yaabay, waxan ahay guddoomiyaha xisbiga ugu balaadhan dalka, safar ayaan u baxayo waydinkii wixii ka baxayay arkayay, garanmaayo baasboorkayga la is waydiinayo, oo aniga ayaa leh" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi waxa uu sheegay in intii uu ku maqnaa cariga Ingiriiska aan maalin dhuqa dowlada Ingiriisku waxba ka waydiin baasboorkiisa, isla markaana wararkii la faafinayay ee ahaa in baasboorka lagu haystaa ay been ahaayeen.

"Waxay lahaayeen Xirsi waa la xidhay, layma xidhin maalin qof wax i waydiiyayna walahi ma arag, lakiinse waxa la yaableh, hadaan ahay guddoomiyihii xisbigaas oo la i xidho, ma waxay jeclaayeen in la i xidho" ayuu yidhi Xirsi.

Kooxo baraha bulshada ka taageera xukuumada Madaxweyne Biixi ayaa baahiyay in Xirsi lagu xidhay London, kadib markii uu si sharci daro ah ku qaatay baasboorka Ingiriiska sida ay sheegeen.