4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2024
Sheekh Cabdicasiis "Meydka gabadheyda waxa loo duugi waayay waa in lala duugo ninka dambiilaha ee dilay"
 

Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Aabaha dhalay gabadhii dhawaan ninkeeda uu ku gubay gudaha magaalada Muqdisho Sheekh Cabdicasiis Maxamed oo ka hadlay soo qabashada ninkii dilay gabadhiisii Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa ugu horeyn u mahadceliyay madaxda dowladda Fedaraalka.

Sheekh Cabsicasiis Maxamed ayaa dalbaday in loo qisaaso ninka gubay gabadhiisii oo xaamilo aheyd oo haatan ku jira gacanta hay'addaha amaanka Sayid Cali Macalin Daa'uud.

Aabahaan gabadhiisii la gubay ayaa sidoo kale sheegay in uusan wali aasin gabadhiisii oo ay ku jirto Firinjieer, islamarkaana uu doonayo in hal mar lawada aaso iyada iyo ninkii gubay.

“Waxa meydka loo duugi waayay waa in lala duugo ninka dambiilaha ee dilay, waxaan codsanayaa aniga oo ah Luul Aabaheed in ninkaas caddaaladda la horgeeyo, waxaan Hay’adaha amniga ka codsanaynaa in gacanta naloo keeno oo dowladda inoo dhamaystiro maadaama ay dalka iyo dadka masuul ka tahay” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Haweenaydii ninkeeda ku gubay Muqdisho.

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen Sayid Cali Macallin Daa'uud oo ku eedeysan inuu gubay Xaaskiisii oo uur u lahayd, kaasoo laga soo qabtay deegaanka Cadeyley, waxaana dadka Soonaaliyeed ay wada dhowrayaan talaabada ay ka qaadi doonto dowladda Soomaaliya.