4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin xasaasi ah u diray madaxda dowladda Itoobiya
 

Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale fariin adag u diray dowladda Itoobiya oo ku aadan damaceeda ku aadan iney hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Itoobiya iney meel iska dhigto damaca iyo xadgudubka ay hankeeda ku hayso, islamarkaana aysan marnaba Soomaaliya gorgortan ka geli karin dhulkeeda.

“Itoobiya waxa aan leenahay damaca dhulka ayaan qaar goosanayaa ka imaaw, maalinta aad ka timaado waxa kasoo haray oo dhan waan kawada hadlaynaa oo waxa aan hubaa in aan ka heshiin karno balse faraqa ayaan kaa haystaa iyo ii daay meeshaas heshiis kama dhasho” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dalka Itoobiya ugu baaqay iney kusoo noqdaan dhaqanka Suuban ee Adduunka ku dhaqmo iyo dowlad wanaagga oo ku xusan xeerarka lagu dhisay ururrada kala duwan ee caalamiga ah, isagoon xusay ineysan jirin cadawtinimo kale oo kala dhaxeysa shacabka reer Itoobiya.

“Dadka reer Itoobiya iyo Qowmiyadaha kala duwan wax xumaan ama xasadnimo ah an u qabno haba yaraatee ma jirto, dowladdooda ayaa tacaddi ku jirta oo ka baxday dhaqanka dowladnimo iyo derisnimo, waxaan leenahay dhaqanka Suuban kusoo noqo, Dhul, Bad iyo Dad isla socda in nalaga qaado nalaguma qancin karo” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan 2024 ayay aheyd markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ka careysiiyay dowladda Fedaraalka iyo dalal badan oo ka mid ah kuwa Caalamka oo ka horyimid heshiiskaas oo ahaa in Itoobiya hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.