4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2024
Abwaan mucaarad ku ah xukuumada Somaliland oo Hargaysa lagu xidhigay oo qoyskiisu siyaabo kala duwan uga hadleen
 

Isniin, February, 5, 2024 (HOL) - Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees) oo ah abwaan mucaarad ku ah xukuumada Somaliland ayaa saaka lagu xidhay magaalada Hargaysa.

Abees oo muddo dheer mucaarad ku ahaa Madaxweynaha Somaliland, isla markaana xabsiga la dhigay mar hore, ayaa markale la xidhay, aabaha dhalay Abees ayaa sheegay in isagu wiil kiisa uu xidhay, kadib markii uu noqday waalid caasi.

"Dadka beenta sheegaya ee leh dowlada ayaa xidhatay, walaahi in anay xidhan, 70 jir ayaan ahay, xanuuno badan ayaan leeyahay, inankaygu habeen isma kaysoo dul taagin, inankaygu wuxuu igu noqday caaq" Aadan oo ah abwaanka aabihii ayaa sida yidhi.

Aadan waxa uu si gaar ah u xusay in uu ka cadhooday hadal uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi xaflad kaga yidhi "Alle ha u naxariisto Cabdiraxmaan Abees aabihii" kadibna abwaanka oo garabtaagnaa uu sixi waayay, oo uu u sheegi waayay in uu noolyahay aabihii, taasi oo uu ku tilmamay cadawad uu inankiisu u qabo isaga.

Dhinaca kale, Abwaan Abees hooyadii, iyo walaalihii oo si gaar ah ula hadlay MMTV, ayaa sheegay in xukuumadu xidhay abwaanka, isla markaan ay aabihii u adeegsatay.

"Inankayga waa la bahdilaya, wax aanu ahayn ayaa lagu sheegaya, aabihii ayaa loo adeegsaday, waa inan haybad Ilahay siiyay, bini'adan intuu waalid adeecyahay ayuu inankaygu waalid adeecyhay, inankayga dowlada ayaa xidhay, dowlada ayaana haysata" Abees hooyadii Koos ayaa sida tidhi.

Abwaanka ayaa 2 dii bishan Hargaysa kusoo bandhigay buug uu ku dhaliilayo xukuumada oo la yidhaa "Mayal" kaasi oo muddo sannado ah ay xukuumadu xayiraad saartay diidayna in lasoo bandhigo.