4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2024
Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu dilay 7 ruux oo ka dhacay magaalada Baled xaawo
 

Isniin, February, 5, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay dad kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo Xalay ka dhacay degmada Baled xaawo ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa lagu dilay ilaa 7 ruux oo lix ka mid ah yihiin Oromo iyo haweeney Soomaali ah, waxaana lagu eedeeyay weerarkaasi iney ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha magaalada Baled xaawo Cabdirashiid Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay geysteen weerarka lagu dilay todobada ruux.

"Dadka la dilay waxaa dilay Al-shabaab waxayna kala ahayeen afar qof oo rag ah iyo sadax dumar ah oo midi Soomaali tahay" ayuu yiri gudoomiyaha degnada Baled xaawo Cabdirashiid Cabdi.

Weerarka ayaa sidoo kale lasoo wariyay iney ku dhaawacmeen ilaa lix ruux oo kale oo u badan caruur, waxaana goobta dadka lagu dilay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmadaas oo sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhex taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya kula gashay Addis Ababa madaxweynaha Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya iyo dalal badan oo Caalamka si weyn uga soo horjeesteen.