4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2024
Nabadoon Caan ahaa oo goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho
 

Isniin, February, 5, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw kooxo hubeysan ay ku dileen halkaas Nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

Nabadoonka lagu dilay Deyniile ayaa lagu magacaabi jiray Muuse Haarun Aadan oo loo yaqiinay Muuse Maquuni, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Dableyda hubeysan ee dilka u geysatay Nabadoon Muuse Maquuni ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen Marxuumka, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Nabadsugida ka howlgasha degmada Dayniile.

Alle ha u naxariiste Nabadoonkaan la dilay ayaa horay uga badbaaday isku day dila ahaa, kadib markii rasaas lagu furay ay kasoo gaartay dhaawac uu markii dambe uu ka bogsaaday.

Dilka Nabadoonkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay Muqdisho ka caaganeyd dilalka qorsheysan ee loo geysto wax garadka Soomaaliyeed, kadib markii amaanka magaalada Muqdisho ay wax weyn ka badaleen ciidamada xasilinta.