4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2024
Puntland oo gacan ku dhigtay koox burcad badeed ah oo isku diyaarinayay inay weerar qaadaan


Isniin, February, 5, 2024 (HOL) - Ciidamada Puntland oo howlgal ka sameeyay degaanada xeebaha gobolka Bari ayaa gacanta kusoo dhigay koox  burcad badeed  ah oo abaabulayay inay falal burcad badeednimo ah ka geysteen xeebaha degaanada Puntland.

Saraakiisha ciidamada Booliiska ayaa soo bandhigay hub, saad iyo doon ay kooxdaan doonayeen inay badda ku galaan si ay u weeraraan maraakiibta ganacsiga iyo doonyaha kalluumaysi ee isicmaala xeebaha Puntand.

Kooxdan lasoo qabtay oo ka koobnayd saddex nin ayaa la sheegay in la horgayn doono sharciga, si loogu qaado dambiyadooda burcad badeednimo. Welise lama xaqiijin inay horey u geysteen falal burcad badeeednimo.

Qabashadooda ayaa kusoo aaday xilli maamulka Puntland uu dhawaan xeebaha ka hirgaliyay ciidamo la dagaalama burcad badeedda  muddooyinkii ugu dambeeyay ka dambeeyay qafaalashada maraakiibta iyo doonyaha ganacsi.

Qaar kamid ah bucad badeedda ayaa u gacan u galay ciidamada shisheeye ee ka howgalla xeebaha Soomaaliya.