4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2024
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo 10 sano xabsi ah ku xukuntay mid kamid ah basaasiinta Alshabaab
 

Isniin, February, 5, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta toban sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo katirsan kooxda Alshabaab.

Sida uu sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada, xukumanaha ayaa lagu helay dambi ah, inuu Alshabaab u qaabilsanaa arrimaha basaasnimada.

Maxamed Cabdi ayaa Alshabaab uga biiray degmada Jilib sanadii 2013. Waxa uu tababar ku soo qaatay Mucaskarka Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale, kaasoo socday muddo saddex bilood, waxaana lagu barayay isticmaalka nuucyada hubka.

Kaddib tababarkiisii isaga iyo kooxdii tababarka la qaatay waxaa loo daabulay gobalka Galgaduud gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur, halkaas oo la sheegay inuu qeyb ka ahaa labo jid gal oo lagu sameeyay Ciidanka Ethopia.

Ciidanka NISA ayaa bishii November ee sanadkii hore ka soo qabtay ninkaan  Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab.