4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2024
La taliyihii hore amniga ee raysal wasaare Abiy Ahmed oo u baxsaday dalka Belgium
 

Isniin, February, 5, 2024 (HOL) - Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, markii dambena ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, Gedu Andargachew, ayaa wararku sheegayaan inuu si qarsoodi ah ugu goostay dalka Belgium, wararka ayaa ku waramaya in Gedu uu ku qasbanaaday in uu isticmaalo Baasaboor Diblomaasi ah.

Bishii hore, waxaa la sheegay in Gedu uu ku jiro xabsi guri tan iyo markii uu ka soo horjeestay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Amxaarada ee Itoobiya bishii Agoosto 2023.

Wuxuu si kulul uga hadlay baarlamaanka Itoobiya bishii Agoosto 2023 markaas oo uu sharraxayay sababta tallaabo militari oo ka dhacday gobolka Axmaarada aysan u xallin dhibaatada gobolkiisa Amxaarada ka jirtay.

Markii hore, xukuumadda Abiy Axmed waxay qorshaysay inay ku soo gebagebeyso hawlgallada milateri ee gobolka, sida la sheegay, laba toddobaad gudahood. Si kastaba ha ahaatee, muddada lixda bilood ah ee xaaladda degdegga ah ayaa dhammaatay ka hor intaanay dawladdu gaadhin hadafkii ay sheegtay.

"Faano hub ka dhigis iyo nabad laguma soo celin lix bilood ka dib. Jimcihii la soo dhaafay, baarlamaanka Itoobiya  ayaa kordhiyey xaaladda degdegga ah afar bilood oo kale.

Gedu Andargachew ayaa muddo dheer madaxweyne ka soo ahaa gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Waxa kale oo uu ahaa xubin saamayn ku leh kooxda u suurtogelisay Abiy Axmed in uu awoodda dawladda ku qabsado majaro siyaasadeed oo daahsoon oo ka dhex jiray xisbigii burburay ee Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front *EPRDF).